Nabadoonada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalada ka socda deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay gelinkii dambe uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ku baaqay in si shuruuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deeganka Xeraale ee u dhexeeya ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna.
“Waa arrin murugo leh, marka hore waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo intii meeshaas ku dhimatay, kuwa dhaawacmayna Alle bogsiiyo, tan xigta waxaan rabnaa in si sharuud la’aan lagu joojiyo, maadaama aan ognahahay in dagaal sokeeyo uusan natiijo keeneyn, dagaalka hala joojiyo, wixii sababay gacan ka hadalkana laga wada xaajooda oo miiska wada hadalka lagu dhameeyo” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.