Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nadaxweynaha Koonfur galbeed oo maanta gaaray Qansax-Dheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booqashada maanta uu degmada Qansaxdheer ee gobolka Baay uu ku tagay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Koonfur galbeed , Guddoomiyaha gobolka Baay iyo saraakiil kale.

Wefdiga Madaxweynaha markii ay gaareen degmada Qansaxdheer ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay maamulka iyo boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi, waxaana u jeedada socdaalka Madaxweynaha Koonfur galbeed lagu sheegay u kuur galidda xaaladda nolaleed ee dadka deegaanka maadaama degmada Qansaxdheere ay Maleeshiyaadka UGUS ay go’doomiyeen.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka Arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur galbeed Mudane C/raxmaan Aadan Sate oo kamid ah xubnaha Wasiirada ee maanta gaaray Qansaxdheere ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh uu u balan qaaday dadka ku nool degmada Qansaxdheere dhowaan loo furi doono dhamaan wadooyinka soo gala degmadaasi.

Degmada Qansax dheere oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa labo sano ka hor laga saaray Maleeshiyaadka nabad diidka ah ee UGUS, waxaana hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ku tago degmada Qansax dheere tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale booqasho taa lamid ah ayaa shalay waxaa wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan ay ku tageen degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo ay ka jirto xaalad bani’aadminimo oo ka dhalatay go’doominta kooxda UGUS ay ku sameysay dadka ku dhaqan Waajid.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la kulmay bulshada Waajid iyo maamulkooda isagoo sheegay in dhowaan la furi doono dhamaan Jidadka soo gala degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Previous Post

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo ka qeyb gashay xuska 8-da Maarso oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay qaar kamid ah maamuliyaasha Warbaahinta dalka”SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay qaar kamid ah maamuliyaasha Warbaahinta dalka”SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay qaar kamid ah maamuliyaasha Warbaahinta dalka"SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In