Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Napoli oo Bareejo Gashay, Milan oo Laga Badiyay iyo Lazio oo Badisay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Napoli ayaa garoonkeeda San Paolo barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Empoli.

Kooxda Empoli ayaa qeybtii hore ee ciyaarta la hor martay labada gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Simone Verdi iyo Daniele Rugani.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Napoli ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta la timid labo gool oo barbardhac ah,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Duvan Zapata iyo Jonathan De Guzman.

Guzman

Kooxda Napoli ayaa u dhaadhacday kaalinta afaraad ee horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 24-dhibcood,halka kooxda Empoli ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 15-dhibcood.

Kooxda Genoa ayaa soo gashay kaalinta sedaxaad ee horyaalka talyaaniga,ka dib markii ay garoonkeeda Luigi Ferraris 1-0 uga badisay kooxda AC Milan.

Ciyaaryahan Luca Antonelli ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Genoa.

Luca

Ciyaaryahan Luca Antonelli ayaa waxaa ku soo jeeda indhaha kooxaha ka ciyaarta dalka ingiriiska,gaar ahaan kooxda Liverpool,isagoo sheegay in ay ahaan lahayd riyo u rumowday hadii uu ku biiri lahaa kooxdasi.

Waa guul daradii sedaxaad ee horyaalka talyaaniga kala soo gudbdoonaato kooxda AC Milan.

Kooxda Genoa ayaa kaalinta sedaxaad ka soo gashay kala horeynta horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda AC Milan ay horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,iyadoo leh 21-dhibcood.

Kooxda Parma ayaa waxaa garoonkeeda Ennio Tardini 1-2 uga badiyay kooxda Lazio.

Kooxda Parma ayaa goolka ku hor martay,waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Raffaele Palladino.

Kooxda Lazio ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Stefano Mauri iyo Felipe Anderson.

Kooxda Lazio ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 23-dhibcood,halka kooxda Parma ay ugu hooseyso horyaalka talyaaniga,iyadoo leh lix dhibcood oo kaliya.

Previous Post

Aqoon isweydaarsi ku saabsan horumarinta gobolka Hiiraan oo Beladweyne ka furmay

Next Post

West Ham oo Soo Gashay Kaalinta Afaraad ee Horyaalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post

West Ham oo Soo Gashay Kaalinta Afaraad ee Horyaalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In