Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Nasrallah oo ka hadlay weerarada ay is-weydaarsadeen Israel

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Nasrallah oo ka hadlay weerarada ay is-weydaarsadeen Israel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan Sheekh Hassan Nasrallah ayaa Sabtidii sheegay in kooxdiisa ay dooratay inay duqeymaha Israel uga jawaato gantaallo lagu tuuray dhul banaan, balse ay ficilladooda kasii dari karaan mustaqbalka.

Lama soo werin wax duqeymaha oo dhacay Sabtidii, mana jiraan illaa hadda khasaare ka dhashay weerarada labada dhinac.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Jimcihii, Xizbullah ayaa gantaallo ku tuurtay dhanka ciidamada Israel, taasi oo dhalisay in Israel ay iyana weerarto Koonfurta Lubnaan. Labada dhinac ayaa gantaalladooda la beegsaday dhul banaan, taasi oo muujisay inaysan dooneyn inay xaaladda kasii daraan.

Khudbad uu jeediyey oo lagu maamuusayey dhammaadka dagaalkii 2006 ay la galeen Israel, ayaa Nasrallah wuxuu ku sheegay in duqeymaha Israel ay yihiin “halis cusub” oo aan la arkin 15-kii sano ee tegay.

Wuxuu sheegay in kooxda ay dooneysay inay muujiso in duqeyn kasta oo Israel ay fuliso looga jawaabayo “habka ugu habboon iyo qeyb qeyb.”

“Waxaan shalay dooranay dhul banaan oo ah aagga Beeraha Shebaa, si aan farriin u dirno, iyo inaan tallaabo qaadno, balse marka dambe waxaan qaadi karnaa tallaabo kasii daran,” ayuu yiri Nasrallah.

Gantaallada ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa billowday Arbacadii markii gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen Israel, ayada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda. Weerarkaas, oo Xizbullah aysan ka hadlin, ayaa keenay in Israel ay jawaabto.

Xiisadda gobolka ayaa kacsaneyd wixii ka dambeeyey weerar lagu qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey meel u dhow xeebaha Cumaan, kaasi oo lagu eedeeyey Iran. Iran way beenisay inay ku lug laheyd weerarka.

Previous Post

Wasaaradda Shaqada oo beri fasaxday guud ahaan shaqaalaha dowladda bilowga sanadka cusub ee Hijriga 1443

Next Post

Laftagareen oo Xil ka Qaadis ku Sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada maamulka Koofur Galbeed

Next Post
Madaxweyne Laftagareen oo Madaxtooyada Baydhabo kulan kula qaatay guddiyada shaqaalaha rayidka “SAWIRRO”

Laftagareen oo Xil ka Qaadis ku Sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada maamulka Koofur Galbeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In