RADIO MUQDISHO:-Kadib doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir ee Khamiistii lasoo dhafaay 25-kii December 2025 ka dhacday caasimadda dalka, ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijadii ka soo baxday.
Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaana ku dhawaaqo doona gelinka hore ee maanta, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdifataax Faysal.










