War hordhac ah oo iminka naga soo gaaray magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo oo ay si habsami leh uga socdaan Codaynta ay Baarlamaanada Maamul goboleedyada Jubba-land iyo Koonfur galbeed ee Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya ayaa sheegaya in dhanka Magaalada Baydhabo uu Md: C/kaafi Macallin Xasan uu Noqday Mudanihii ugu horeeyay ee ku guulaysta ka mid noqoshada Xubnaha aqalka sare ee dalka kaga mid noqonaya Maamulka koonfur galbeed.
warka ayaa intaa raacinaya in dhanka Magaalada Kismaayo Codayntii ka socotay Baarlamaanka Goboleedka jubba-land ay Mudanayaasha kala ah Xasan Faarax Xujaale iyo Axmed Xaashi Max’uud ku guulaysteen ka mid noqoshada xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya maamul goboleedka Jubba.
Wixii warar ah ee ku soo kordha doorashooyinka Aqalka Sare ee labada Maamul kala soco wararkeena danbe