Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay sii deynta 4 badmaaxiin ah oo dhowaan ay sii daayeen burcad badeed afduub u haysatay muddo 4 sano ah.

Badmaaxiintani ayaa u shaqeynayay markab lagu magacaabo FV Prantalay 12, ayaa koox burcad badeed ah waxa ay ka afduubatay 18kii April 2010.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Shaqaalahan oo dhalashadoodu tahay dalka Thailand ayaa kooxdii haysatay waxa ay ku wareejisay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug 25kii bishan iyagoo ahaa shaqaalihii ugugu mudada dheeraa ee burcad badeed Soomaliyeed ay afduub u haystaan.
β€œWaxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qeybgalay sii deynta shaqaalihii ugu waqtiga dheeraa ee afduubka loo haystay dalka Soomaaliya gaar ahaan maamulka Galmudug,”ayuu yiri Nicholas Kay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sii daayon 26 ruux dadka weli ay gacanta ku hayaan burcad badeeda Soomaalida ah. Sii deynta shaqaalahan afduubka loo haystay ayaa waxaa ka qeybgalay xafiiska u qaabilsan Qaramada Midoobay dambiyada iyo maandooriyaha ee (UNODC).

Markabka FV Prantalay 12 ayaa waxa uu ku safrayay calanka dalka Taiwan kadib markii ay burcad badeed Soomaali ah ay qabsatay markabka 2010 ayaa waxaa ay burcad badeedu markabka u isticmaali jirtey inay ku weerarto maraakiibta kale ee ay dooneyso inay afduubtaan. Hase ahaatee bishii July 2011 ayaa markabku uu degay, waxaana shaqaalihii markabka la geeyay dhulka.

Guud ahaan shaqaalaha markabkaa oo gaarayay 24 ruux ayaa lix ka mid ah waxa ay geeriyoodeen intii ay ku jireen gacanta kooxda afduubatay, hase yeeshee 12 badmaaxiin u dhashay dalka Myanmar la sii daayay.

Inkastoo uu hoos u dhac weyn uu ku yimid afduubashada maraakiibta xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ku jira gacanta kooxaha burcad badeeda 26 ruux oo ka mid ahaa shaqale u shaqeynayay FV Naham 3.
Hase yeeshee wadamo badan oo caalamka ah ayaa waxaa ku xiran in ka badan 1300 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo loo haysto inay ku lug lahaayeen burcad badeednimo.

Previous Post

Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In