Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nidaamka shaqaale ee dowladda Dhexe iyo kan gobolka Banaadir oo la isku xirayo+sawirro

admin by admin
January 13, 2019
in Wararka
0
Nidaamka shaqaale ee dowladda Dhexe iyo kan gobolka Banaadir oo la isku xirayo+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labada dhinac mushaarka ka qaata.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa, iyadoo howshan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaamka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iska-kaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dhankoodana ay ku dadaalli doonaan sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo ku habboon howlaha loo idmaday.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha D/Hoose iyo masuuliyiin kale.

Previous Post

France: 4 killed after gas explosion in Paris bakery

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween ah+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween ah+Sawirro

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween ah+Sawirro

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In