Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Niger oo ku dhawaaqday in dalka uu galayo 2 maalin oo baroor diiq ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Afrika, Caalamka, Wararka
0
Niger oo ku dhawaaqday in dalka uu galayo 2 maalin oo baroor diiq ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Niger ayaa ku dhaawaqday in dalka uu galayo labo maalin oo baroor ah oo loo samaynayo 69 qof oo ay dileen kooxaha Al-qaacidda taageersan ee ka dagaalanta dalkaasi.

Weerarka lagu dilay 69-ka qof ayaa ka dhacay Koonfur Galbeed ee dalka Niger, gaar ahaan xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Mali, waxaana kooxaha hubeysan ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid oo siday qaar ka mid ah Madaxda dalka Niger.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Niger ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo kooxaha hubeysan ay ku qaadeen wafdi kolonyo ah oo uu hogaaminayay duqa magaalada Banibangou, halkaasi oo qiyaastii 55 km u jirta Galbeedka Gobolka Tillaberi
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu laayay dadka, balse Dowladda Niger ayaa falkaasi ku eedeysay inay ka dambeyeen kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Niger ayaa wajaheysa weeraro gaadma ah oo kooxaha argagixisada ay ka fulinayaan xadka uu dalkaaasi la leeyahay dalalka Mali, Burkina Faso iyo Nigeria, halkaasi oo ay ku xoog badanyihiin kooxaha argagixisada dalkaasi ka dagaalanta, waxaana sanadkan oo kaliya ku nafweysay dad kor u dhaafaya 500.qof .

Bishii March ee sanadkan 137 qof ayaa lagu dilay saddex magaalo oo dhacda dhanka Koonfur Galbeed ee dalka Mali, kaasi oo ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada wadanka Niger ku dhuumaaleysaneysa.

Previous Post

Madaxweyne Laftagareen oo Kulan  la yeeshay guddoomiye Mursal

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In