Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin Soomaali Ah Oo South Africa Ku Dilay 3 Ruux Oo Soomaali ah Dhaawacayna Muwaadin South Arfican Ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Nin Soomaali Ah Oo South Africa Ku Dilay 3 Ruux Oo Soomaali ah Dhaawacayna Muwaadin South Arfican Ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Falkani naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Mitchell Plain  ee Magaalada Cape town kadib markii nin Soomaali ah oo ku hubeysanaa bastoolad uu weerar ku  qaaday goobo ganacsi oo ku yaala deegaankaasi  waxaana uu toogasho ku dilay 3-ruux oo Soomaali ah kuwaa oo ugu tagay goobahooda ganacsi.

Waxa  sidoo kale rasaas uu ku furay dad shacab ah oo goobtaasi ka ag dhawaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo Soomaali ah iyo ruux South africaan ah waxaana  intaasi kaddib uu isku dayay in uu halkaasi ka baxsado balse ciidamada police-ka dalkaasi oo durba goobta soo gaaray ayaa gacanta ku dhigay Ruuxa dilalkani toogashada ah geystay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Marka uu falkaasi dhacay kadib ayaa waxaa wariyaha warbaahinta Qaranka ee Koonfur Africa C/llaahi Qorshe u suura gashay in uu gaaro deegaanka ay dhacdadani ka dhacday waxaana uu kula kulmay qaar ka mid ah dhalinyaro soomaali ah oo goobtaasi ku sugnaa xilliga uu falka dhacayay waxaana ay u sheegeen in mar qura ay ka war heleen rasaas lagu soo ridayo .

Waxaa Sido kale ay u wariyuhu sheegeen in ninka falkaan geystay uu ahaa nin aad looga yaqaano deegaanka Mitchell Plain islamarkaana uu mararka qaar masjidka deegaanka ka dukan jiray salaada balse aysan garaneyn sababta iminka keentay in uu ku kaco falka noocaasi oo kale ah.

Boqolaal Soomaali ah ayaa Isugu soo Baxay Goobta uu falka ka dhacay waxaana ay aad uga xumaadeen dhacdada naxdinta leh ee ka dhax dhacday soomaalida ku nool deegaankaasi ayada oo ay qaarkood ilmeynayeen maadaama muwaadiniinta geeriyooday ay ahaayeen rag aad looga qadariyo deegaankaasi oo ay soomaalida ku nooshahay.

Odoyaal iyo culimada Soomaalida oo Goobta kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa Xusay in dhacdadani ay tahay musiibo ku dhacday soomaalida waxaana ay ugu baaqeen in xaalada la dajiyo islamarkaana bulshada aan loo  kala qaadin warar abuuri kara colaad dhax marta dad walaalo ah.

Ma Cada ilaa iminka Sababta ka Dambeysay in ninkaan uu ku Kaco Falkaan Waxaase Socda Baritaano ay wadaan Ciidamada Police-ka iyada oo ninka falka geystay iyo kuwa la toogtay sida la sheegay ay dhowr mar oo hore ka wada qeyb qaateen Ijtimaac Ay Culimada Tabliiqa ku aadeen Gobolo ka tirsan Dalka South africa.

Allaha u Naxariistee Muwaadiniinta Geeriyootay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiwahaab Nusliiro,Cabdi Madoobe,Maxamed-qani Xasan Maxamed Soo fariiste, waxaa  la filayaa in lagu aaso qabuuraha Muslimiinta Ee Magaalada Cape Town Haduu alle idmo Salaada Duhur Kadib.

IMG_5198 IMG_5207 IMG_5211 IMG_5217 IMG_5219 IMG_5223 IMG_5226 IMG_5228

Previous Post

Kooxaha Chelsea,Manchester City,Man United iyo West Brom oo Badiyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In