Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin Soomaali Ah Oo South Africa Ku Dilay 3 Ruux Oo Soomaali ah Dhaawacayna Muwaadin South Arfican Ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Nin Soomaali Ah Oo South Africa Ku Dilay 3 Ruux Oo Soomaali ah Dhaawacayna Muwaadin South Arfican Ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Falkani naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Mitchell Plain  ee Magaalada Cape town kadib markii nin Soomaali ah oo ku hubeysanaa bastoolad uu weerar ku  qaaday goobo ganacsi oo ku yaala deegaankaasi  waxaana uu toogasho ku dilay 3-ruux oo Soomaali ah kuwaa oo ugu tagay goobahooda ganacsi.

Waxa  sidoo kale rasaas uu ku furay dad shacab ah oo goobtaasi ka ag dhawaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo Soomaali ah iyo ruux South africaan ah waxaana  intaasi kaddib uu isku dayay in uu halkaasi ka baxsado balse ciidamada police-ka dalkaasi oo durba goobta soo gaaray ayaa gacanta ku dhigay Ruuxa dilalkani toogashada ah geystay.

Related posts

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

January 28, 2026

Marka uu falkaasi dhacay kadib ayaa waxaa wariyaha warbaahinta Qaranka ee Koonfur Africa C/llaahi Qorshe u suura gashay in uu gaaro deegaanka ay dhacdadani ka dhacday waxaana uu kula kulmay qaar ka mid ah dhalinyaro soomaali ah oo goobtaasi ku sugnaa xilliga uu falka dhacayay waxaana ay u sheegeen in mar qura ay ka war heleen rasaas lagu soo ridayo .

Waxaa Sido kale ay u wariyuhu sheegeen in ninka falkaan geystay uu ahaa nin aad looga yaqaano deegaanka Mitchell Plain islamarkaana uu mararka qaar masjidka deegaanka ka dukan jiray salaada balse aysan garaneyn sababta iminka keentay in uu ku kaco falka noocaasi oo kale ah.

Boqolaal Soomaali ah ayaa Isugu soo Baxay Goobta uu falka ka dhacay waxaana ay aad uga xumaadeen dhacdada naxdinta leh ee ka dhax dhacday soomaalida ku nool deegaankaasi ayada oo ay qaarkood ilmeynayeen maadaama muwaadiniinta geeriyooday ay ahaayeen rag aad looga qadariyo deegaankaasi oo ay soomaalida ku nooshahay.

Odoyaal iyo culimada Soomaalida oo Goobta kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa Xusay in dhacdadani ay tahay musiibo ku dhacday soomaalida waxaana ay ugu baaqeen in xaalada la dajiyo islamarkaana bulshada aan loo  kala qaadin warar abuuri kara colaad dhax marta dad walaalo ah.

Ma Cada ilaa iminka Sababta ka Dambeysay in ninkaan uu ku Kaco Falkaan Waxaase Socda Baritaano ay wadaan Ciidamada Police-ka iyada oo ninka falka geystay iyo kuwa la toogtay sida la sheegay ay dhowr mar oo hore ka wada qeyb qaateen Ijtimaac Ay Culimada Tabliiqa ku aadeen Gobolo ka tirsan Dalka South africa.

Allaha u Naxariistee Muwaadiniinta Geeriyootay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiwahaab Nusliiro,Cabdi Madoobe,Maxamed-qani Xasan Maxamed Soo fariiste, waxaa  la filayaa in lagu aaso qabuuraha Muslimiinta Ee Magaalada Cape Town Haduu alle idmo Salaada Duhur Kadib.

IMG_5198 IMG_5207 IMG_5211 IMG_5217 IMG_5219 IMG_5223 IMG_5226 IMG_5228

Previous Post

Kooxaha Chelsea,Manchester City,Man United iyo West Brom oo Badiyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Iyo Dhigiisa Dalka Jabuuti Oo Kuwada Kulmay Jabuuti "Sawirro"

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In