Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

‘Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii’ (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

“Soomaaliya waa xor cidda ay doonto ayay la heshiinee, cidna kala tashameyso, qofna kala tashan doono masiirkeena” sidaas waxaa kl hore yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feeraalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud xilli dowladda Soomaaliay ay iskaashi dhinacyo badan leh ay dhawaan kala saxiixdeen, uuna ka mid yahay midk Militari dowladda Masar oo cadow ay isku yihiin Itoobiya, iyadoo ay Xabashadu cabasho iyo qeylo dhaan badan ka muujisay, waxaana ogsoonahay in xabsgidu ay dhowr wadan u dirtay wufuud, si ay xulufeyso u sameysato, meelihii ay tegtay waxaa ka mid ahaa wadamada Faransiiska, Marooko, Shiinaha iyo kuwo kale, waana ku fashilantay meel marinta damaceeda guracan ee ay wadato.

 

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Itoobiya waxay ka soo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisanto, islamarkaana yeelato ciidan awood leh.”, sidaa waxaa yiri:- mudane Daahir Maxamuud Geelle oo horey Wasiir u soo noqday, wuxuuna intaasi raaciyay in Itoobiya ay ka soo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh, waxaa kaloo xusay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar, balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto, kana dhaadhici la’dahay ‘in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso’.

 

“Dagaalka Xabashida Dadkii nooga dhawacmay iyo kuwii nooga dhintay ayaa wali qalbiyeega ku qoran”, sidaasi waxaa si qiiro leh u yiri, mid ka mid ahaa ciidamadii ku soo dhawacmay dagaalkii 1977-kii lala galay Dowladdii Xabashida ee uu markaasi hoggaaminayay Mingiste Xeyle Maryam. “Waqti kasta wuxuu leeyahay Raggiisa; maanta waa maalinteennii, waana qaadaneyna kaalintii aan laheyn, waaxana ku difaceynaa Dalkeyna Af, Muruq, Maal Iyo Maskax, Dhallinyarada maanta waa maalintiina. Innagu waa soo gudanay waajibkeennii, dagaalka gala oo xornimada ilaashada”.

 

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee kumaandoska Gor-Gor,Dhamme Mustaf Mohamed Husseen oo la hadlayay boqolaal ka mid ah ciidanka kumaandooska Gor-Gor ee xogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay mar walba u taagan yihiin difaaca dalka,ayna u dhaarteen cid walba oo soo damaacisa qaranimada & midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

 

“Cadawga Soomaaliyeed innagaa ku filan, kamana yeeleyno cid walba oo soo damaacisa madax bannaanida jamhuuridda Soomaaliya “ayu yiri Taliye

Dhamme Mustaf Mohamed Husseen, wuxuuna ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, cid laga yeelayana aysan jiri xadgudbka ay waddo itoobiya oo si cad u dafirtay Madaxbannaanida Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

 

“Adiga maxaa lagaaga tashaa?”, waxay Cinwaan u aheyd qormo kooban ee uu qoray Prof. Yaxye Sheekh Caamir, isagoo qormadiisa ku bilaabay in Been la isku sheego lama rabo, Adiga maxaa lagaaga tashaa haddii Ethiopia Dagaal soo qaado?, isagoo iska hadlaaya waxa uu yiri:-

 

Aniga Haddii la yiraa Gacan ayaa la iskula tagaa oo waa leys feeraa kuma jiro, Odaygu waa tabar yareeyay mana rabo in aan guul daro soo hooyo. Haddii la yiraa waad is qarxinee, taasu waa masalo kale, su’aal Diini ah ayaan ka qabaa.

Safka hore iga raadi haddii la yiraa Hubaa lagu dagaalamaa. Sida AK47 iyo Madaafiicda Goobta, Labadaas aqoon iyo tababar Ciidan ayaan u leeyahay.

Haddii uu jiro hub kale oo isticmaalkiisa deg deg loo bara karo igu tasho, safka hore.

Haddii uu jiro Dagaal Afka ah, Duco, Qaaraan iyo Qur’aan la akhrinaa safka hore.

Haddii Sahan Ciidan, Sirqa dhigoow iyo Arimo Saadka la xiriiro leysku diraa ka seexamaa, safka hore.

Prof. yaxye Sheekh Caamir waxaa kaloo laga hayaa, isagoo Itoobiyaanka fariin u diraaya ayaa waxa uu yiri:- “ Soomaalidu nabadna waa taqaan, colaadna waa taqaan

 

Soomaalidaa ku maahmaahdo ( Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii ), ugu dambeyntii waxa uu ku soo qatimiyay qormadiisa“Been ha sheegin, tabar laguugu nici maayo , Adiga oo Allaah ka cabsanaa, Adiga maxaa lagaaga tashaa?”.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya maanta

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF).

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF).

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF).

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In