Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA: Dilka horjooge macalin Daa’uud Al-shabaab dhabar-jab ayuu ku yahay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
NISA: Dilka horjooge macalin Daa’uud Al-shabaab dhabar-jab ayuu ku yahay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed kasoo Baxay Taliska Sare ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Radio muqdisho ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo habeenkii  Axadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 lagu diley horjoogihii ugu muhiimsam kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab , Ahna Horjoogaha u qaabilsan dhinaca Gaashaan- dhigga, islamarkaana Maleeshiyaadka Dagaalama

Horjooge Yuusuf waxaa lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka  Kuunyo Barrow ee gobolka jubada dhexe oo ah saldhigga ugu wayn Al-shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay, xilli uu markaas kasoo baxay kulan uu la lahaa golaha fulinta Kooxda, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xiliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa C/laahi C/shakuur Jimcaale, waxaa kaloo loo yaqaanaa Yuusuf Xaaji iyo Macalin Daa’uud, Da’diisu Qiyaastii waa 38-40 sano jir,  waxuu lahaa 3 Xaas iyo 11 Caruur ah, waxaa la dhashay oo Al-shabaab ka mid ahaa Maxamed C/shakuur Jimaale oo lagu Diley Dagaal UGUS la Gashay Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

Yuusuf Xaaji oo ah Magaca looga yaqaano Gudaha Al-shabaab,waxaa uu muddo dheer ahaa Horjoogaha dhinaca Milatariga  u qaabilsan Kooxda, waxaa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa Jabhadaha Dagaalama kuwooda Guud iyo kuwa gaarka ah, isagoo sidoo kale maamuli jirey inta badan lacagta soo gasha Maleeshiyaadka Al-shabaab, oo badankeeda lagu bixin jirey Dagaalada.

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  Tan iyo markii uu geeriyooday Horjoogihii Kooxda Axmed Cabdi Gudane, uu Macalin Daa’ud  ujanjeerey xaga Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee Aminiyaadku Fuliyaan,Hogaankana uu qabtay Axmed Diireye (Abuu-Cubeyda) oo ah Nin ujanjeera Dhinaca Jabhadaha Dagaalama, Geestana Weerarada Abaabulan,

Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu Maskaxdkaxdii ka dambeysay ‘Weeraro raad reebay Sida weeraradii Leego,Janaale, Ceel-cadde,Laantabuure, Ruun-nirgood ,Puntland iyo Galmudug, maadaama Jabhada Hubeysan Dhammaantood ay isaga Hoosyimaadaan.

Yuusuf xaaji, wuxuu  ahaa horjoogaha kaliya ee ay si joogta ah  isku Arkaan hor joogaha  guud ee Al-Shabaab, isagoo  xiliyo kala duwan  soo qabtay Amniyaadka dilalka qorsheeshan fuliya ee kooxda, waxaana  dilkiisu uu Al-shabaab ku yahay dharbaaxo culus, maadaam uu uga dhignaa horjooge aanay sina  uga maarmin, isagoo ahaa horjoogaha ay ka go’aan qorsha iyo talooyinka weerarada la sameenayo iyo halka la weerarayo.

War-saxaafadeedka Hey’adda NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay, in dilka horjoogahan uu uga dhigan yahay Hey’adda NISA, dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada Soomaaliya guul taariiqi ah.

War-saxaafadeedkan Waxaa ku saxiixan Taliyaha Hey’adda NISA Gen C.raxmaan Maxamed Tuuryare.

Xigasho SONNA

Previous Post

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor

Next Post

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii ambbassidor iyo Sawirro

Next Post
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii ambbassidor iyo Sawirro

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii ambbassidor iyo Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In