Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa saakay FashiliSay qaraxyo Argagixisadu ay damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Howlgalkaan lagu saaray waalxaha qarxa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidamada Booliska qeybta Miino Baarinsta.
Ciidanka Booliska iyo kuwa NISA oo ah kuwo u diyaarsan markaste ka hortagga falalka ay maleegayaan Argagixisada ayaa lagu soo war geliyay in gaari nuuciisu yahay kaarib yaallo Ex Madaxtooyadii Hore ee Cabdiqaasim Degmada Hodan kaas oo lagu xiray Walxaha qarxa, iyagoo durbadiiba gaarigaas ka fur-furay Qaraxyadii ku xirnaa.
Dadkii Shacabka ahaa ee ka ag dhawaa goobta gaariga Walxaha qarxa uu ku xiranyahay yaallay ayaa Ciidamadu waxa ay ku Amreen in ay ka dheeraadaan si dhibaato u soo gaarin howsha ciidamaduna u hirgasho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaarigaan la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo laakiin xogta Shacabka lagu ogaaday Arrintaan.
“Gaarigaan waxaa saarnaa dhexdiisa Shidaal Rasaas, bambaanooyin iyo gumacyo rasaas ah ciidamada Qaranka NISA ayaana si geesinimo leh uga hortagay” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale ciidamada ayaa fashiliyey qarax kale oo lagu soo xiray gaariga uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo marayey nawaaxiga wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay miinada ka furaan, iyadoo muwaadinkii gaarigiisa qaraxa loogu xiray uu ciidamada amniga uga mahadceliyay qaraxa ay ka badbaadiyeen.