Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo Hub, Gaadiid iyo Maleeshiyaad la tuhunsanyahay gacanta ku soo dhigay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 3, 2016
in Wararka
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nobad sugidda NISA ayaa qaaday howlgallo gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayay goobo cayiman oo ka mid ah Degmmoyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay gaadiid iyo maleeshiyaad hubeysan oo lagu tuhmayo in ay geesteen dilal 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda lagu soo xiray xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir ee loo yaqaano Godka Jilacoow.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo howlgalkan uga Waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada NISA ay maanta qadeen howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay guryo iyo geerarshyo lagu xareeyo gaadiidka, halkaasina lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo xogtooda la hayay haddana baaris ayaa ku socoto.

“Ciidanada barro cayiman oo ku kala yaalla Degmmoyinka Wadajir, Kaxda, Hodan iyo Yaaqshiid ayey howlgallo ka sameeyeen kaddib markii la helay xogta dableey hubeysan oo aan la garaneynin halka ay ka tirsanyihiin, waxaa la soo qabqabtay hub, gaadiid iyo maleeshiyaadkii lagu raad joogay, hadda Godka Jilacoow ayaa lagu hayaa, baaris ayaana ku socota, waxaana looga shakisanyahay dilalka qorsheysan ee saacadihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho” ayuu Yiri Cabdikaamil.

Dhinaca Kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ruux lagu soo qab qabtay howlgal kale oo ay xalay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda ka sameeyeen ciidamada Nabad sugidda, booliska iyo ciidamada AMISOM.

Howlgalkaasi ayaa lagu bartilmaameedsanayay Kooxo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”

Next Post
Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”

Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa"Sawirro"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In