Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo Shaacisay in la dilay Horjoogihii Amniyaatka Alshabaab ee gobolka Banaadir

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada amniga oo bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraal ay soo dhigtay bogga twitter-ka Hey’adda Nabad sugida iyo SIrdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Horjoogaha Kooxda Alshabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu cubeyda koox ka amar qaadata in ay magaalada Bu’aale ku dileen horjoogihii hore ee kooxda u qaabilsanaa shirqoolada dilalka dadka Muqdisho Cumar Macalin Macaawiye.

Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab waxa kale oo ay xabsiga dhigeen madaxa howlgalada Khaarijinta dadka ama Amniyaatka kooxda ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed sida ay xogta ku shaacisay Hey’adda NISA.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA

Khilaafka Horjoogayaasha Alshabaab ayaa cirka isku sii shareeraya sida muuqata bishii la soo dhaafay xog baahisay hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in horjoogayaasha sare ee kooxda ay u kala jabeen laba garab  oo kala taabacsan Horjooge Mahad Karataay iyo Horjoogaha kooxda Axmed Diiriye, khilaafkooduna xoogeysatay kadib markii uu iscasilay 13kii bishii tagtay ee February  Cumar Macalin madaxii Amniyaatka gobolka Banaadir ee xalay la dilay.

Horjoogayaasha kooxda ayaa la aaminsan yahay in khilaafkoodu uu salka ku hayo kala aamin bax iyo in ay isku haystaan maamulka kooxda oo ku dhisan xasuuqa shacabka.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Maamulka cusub ee Magaaladda Dhuusamareeb.

Next Post

Dekadda Muqdisho oo laga Bilaabay baarista Cudurka halista ah ee karoona feyrus.

Next Post
Dekadda Muqdisho oo laga Bilaabay baarista Cudurka halista ah ee karoona feyrus.

Dekadda Muqdisho oo laga Bilaabay baarista Cudurka halista ah ee karoona feyrus.

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In