Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NRC oo walaac ka muujisay xaalada beni’aadanimo ee sii xumaaneysa Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Dowladda Norway u qaabilsan dhanka gar gaarka beni’aadanimo ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda beni’aadanimo sii xumaaneysa ee ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, taasi oo sababtay colaadda ka taagan magaalada.

Agaasimaha hay’adda NRC ee qeybta Soomaaliya Cabdiqadir Axmed ayaa sheegay in kumanaan  dad ah ay isaga barakaceen colaadda magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ah dad 60% si xoog ah ay u saameysay colaada iyo abaaraha ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Warbixinta ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in sanadkii 2015-ka ay magaalada Gaalkacyo ka barakaceen 90,000 oo qof, kuwaasi oo ku noolaa 13 ka mid ah xeryaha dadka soo barakacay ee koonfurta , halka ay iminka sii barakaceen 20,000 qof, saddexdii todobad ee la soo dhaafay kadib dagaalo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo 80% dadka baracay ay yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah.

Hay’adda Dowladda Norway u qaabilsan dhanka gar gaarka beni’aadanimo ayaa ka deyrineyso xaaladaha ay ku noolyihiin qoysaski ka qaxay magaalada, kuwaasi oo aan iminka heysan wax gurmad ah, waxaana ay hay’addu sheegtay in roobabka deyrta ay ka curteen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ay saameyn ku yeelan karto qoysaska Barakacayaasha ah, taasi oo laga cabsi qabo inay ka dhalato fatahaado iyo cudurada faafa sida kalooraha iyo shuban biyoodka, iyadoo hada ay jirto xaalado nafa dari ah oo soo food saartay carruurta iyo dadka da’da ah.

Hay’adda NRC oo tan iyo 2007 ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ku dhawaad 5,000 oo qof ay gaarsiiyeen gurmad deg deg ah, inkasta oo ay hay’addu xustay in kaalmadasi aysan ahayn mid dabooli karta baahiyaha heysta qoysaska magaalada ka baracakay.

Hay’addu waxa ay ugu baaqday dhinacyada isku haya magaalada Gaalkacyo in waxkasta ay ku dhameeyaan wada hadal, isla markaana ay dhibaatada ka dulqaadaan shacabka lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo shir Guddoomiyey shirka wadamada ku bahoobay ciidamada Birmadka ee Geeska Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In