Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ Oo Cambaareysay Caburinta Lagu Hayo Wariyeyaasha Ka Howlgala Deegaannada Ay Maamulaan Puntland Iyo Ahlu sunna

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dhibaatooyin ka soo food saaray Wariyeyaasha Soomaaliyeed maamulada dalka ka jira oo maalmihii la soo dhaafay soo wajahayay.

War Qoraal Ah oo ka Soo baxay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ ayaa lagu cambaareeyay caburinta xariga iyo cabsi galinta maamulka Ahlusunna Waljamaaca uu ku hayo Suxufiyiinta ka howlgala Guri-ceel oo uu sheegay in ay xireen maamulkaasi idaacadda Radio Galgaduud, iyo xariga loo geystay wariyaha warbaahinta Qaranka ee Guri-ceel Osman Mohamed Adan oo aakhirkii saakay ka soo masaafuriyay magaaladaasi islamarkaana Muqdisho ku sugan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale NUSOJ ayaa cambaareeysay  Xariga Maamulka Puntland ay u geysteen Agaasimaha Idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo waliba Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ah shaqaalaha xarunta Daljir ee Garowe oo uu sheegay in maamulka Puntland uu ka codsanayo in ay ilaaliyaan xoriyadda saxaafada islamarkaana ay ka daayaan caburinta.

“Waxaan cambaareyneynaa, maamulada Puntland iyo Ahlusunna oo isku day cad looga gonleeyahay aamusin, xorriyadda saxaafadda ay ka mid yihiin xarig yo iyo xiritaanka xaruuma warbaahineed.”

“Maamulka Puntland iyo Ahlu sunna waa in ay tixgaliyaan xorriyadaha warbaahinta islamarkaana ay joojisaa caburinta  ayna  ogolaadaan warbaahinta iyo suxufiyiinta  xoriyadooda.

Maamulka Puntland 20-ka May 2015 ee Arbacadii la soo dhaafay ayaa xiray, xafiisyada  telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) ee Puntland. taasi oo ay ay ku sheegtay NUSOJ mid niyad jab ku ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.

21 May 2015, maamulka Puntland ayaa amray in la xiro Wariye Jaamac Deperani, oo ka mid ah wariyeyaasha ka shaqeeya deegaannada maamulka Puntland una shaqeeya TV-ga Somali Channel oo fadhigiisu yahay London.

 

 

Previous Post

Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In