Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in si shuruud la’aan loo sii daayo weriyayaasha ku xiran Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,  1 Agoosto, 2015 Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb in sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadooda ugu soo casiliyaan wariyayaasha ku xiran magaaladaas,  abuuraan jawi maamulka iyo saxafiyiinta gobolka ku wada shaqeyn karaan, iyadoo Ururka cambaareeyay tallaabada lagu xiray.

Weriyayaasha oo kala ah Maxamed Cabdi Maxamed oo wakiil Gal-Gaduud uga ahaa TV-ga Dowlada, Cabdi-Jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya Tv-ga Kalsan iyo Idaacadda Bar-Kulan iyo Bashiir Maxamuud Salaad oo isna u  shaqeeya Tv-Horncable ayaa  Sabtidii maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb xabsiga dhigeen, kadib markii ay su’aalo ka keeneen is diiwaan gelin maamulku ku dhawaaqay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Weriyayaasha ayaa welwel ka muujiyay xogaha maamulku ururinayo sida ay ugu dhigi karaan gacan ammaan ah, iyagoo intii la xirin welwelkaas la wadaagay Ururka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa Ururka Ahlu Sunna sidan si lamid ah ka dalbay weriyayaasha iyo warbaahinta inay isa soo diiwaan geliyaan, waxaana qaar ka mid ah weriyayaashii is diwaan geliyay xogtooda loo adeegsaday in lagu daabaco qaar ka mid ah boggaga internetka kadib markii maamulka Ahlu sunna u arkay inay siyaasadooda ka hor imanayaan. Nuqulka diiwangelinta oo nuqul ka mid ah NUSOJ la soo gaarsiiyay ayaa sidoo kale warbaahinta iyo wariyayaasha ku qasbaya inay fasax weydiistaan maamulka ka hor inta aan warka la dirin.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa uu ugu baaqayaa maamulka Ahlu sunna inay si bilaa shuruud ah xorriyadooda u soo celiyaan weriyayaasha xiran, isla markaana ugu baaqay maamulka Ahlu sunna inay joojiyaan is diiwaan gelinta qasabka ah ee weriyayaasha iyo warbaahinta oo cidii su’aalo ka keenta xabsiga la dhigayo.

“Waa nasiib darro in weriyayaal xabsiga loo dhigo su’aalo ay ka keeneen is diiwaangelin, taasoo maamulka Ahlu Sunna ugu jawaabay xarig,” Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim ayaa intaasi ku daray, “Waa in maamulku joojiyaa is diiwaangelinta qasabka ah oo ay ku qalqal gelinayaan weriyayaasha iyo warbaahinta gobolka.”

“Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb inay si bilaa shuruud ah xorriyadda wariyayaashaas u soo celisaa, abuurtaana jawi ay warbaahinta iyo maamulku ku wada shaqeyn karaan.”

 

Previous Post

Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ansixiyay xeer hoosaadkooda

Next Post

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa “Dhagesyo+Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa “Dhagesyo+Sawirro”

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa "Dhagesyo+Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In