Saturday, May 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in si shuruud la’aan loo sii daayo weriyayaasha ku xiran Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 1, 2015
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,  1 Agoosto, 2015 Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb in sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadooda ugu soo casiliyaan wariyayaasha ku xiran magaaladaas,  abuuraan jawi maamulka iyo saxafiyiinta gobolka ku wada shaqeyn karaan, iyadoo Ururka cambaareeyay tallaabada lagu xiray.

Weriyayaasha oo kala ah Maxamed Cabdi Maxamed oo wakiil Gal-Gaduud uga ahaa TV-ga Dowlada, Cabdi-Jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya Tv-ga Kalsan iyo Idaacadda Bar-Kulan iyo Bashiir Maxamuud Salaad oo isna u  shaqeeya Tv-Horncable ayaa  Sabtidii maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb xabsiga dhigeen, kadib markii ay su’aalo ka keeneen is diiwaan gelin maamulku ku dhawaaqay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Weriyayaasha ayaa welwel ka muujiyay xogaha maamulku ururinayo sida ay ugu dhigi karaan gacan ammaan ah, iyagoo intii la xirin welwelkaas la wadaagay Ururka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa Ururka Ahlu Sunna sidan si lamid ah ka dalbay weriyayaasha iyo warbaahinta inay isa soo diiwaan geliyaan, waxaana qaar ka mid ah weriyayaashii is diwaan geliyay xogtooda loo adeegsaday in lagu daabaco qaar ka mid ah boggaga internetka kadib markii maamulka Ahlu sunna u arkay inay siyaasadooda ka hor imanayaan. Nuqulka diiwangelinta oo nuqul ka mid ah NUSOJ la soo gaarsiiyay ayaa sidoo kale warbaahinta iyo wariyayaasha ku qasbaya inay fasax weydiistaan maamulka ka hor inta aan warka la dirin.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa uu ugu baaqayaa maamulka Ahlu sunna inay si bilaa shuruud ah xorriyadooda u soo celiyaan weriyayaasha xiran, isla markaana ugu baaqay maamulka Ahlu sunna inay joojiyaan is diiwaan gelinta qasabka ah ee weriyayaasha iyo warbaahinta oo cidii su’aalo ka keenta xabsiga la dhigayo.

“Waa nasiib darro in weriyayaal xabsiga loo dhigo su’aalo ay ka keeneen is diiwaangelin, taasoo maamulka Ahlu Sunna ugu jawaabay xarig,” Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim ayaa intaasi ku daray, “Waa in maamulku joojiyaa is diiwaangelinta qasabka ah oo ay ku qalqal gelinayaan weriyayaasha iyo warbaahinta gobolka.”

“Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb inay si bilaa shuruud ah xorriyadda wariyayaashaas u soo celisaa, abuurtaana jawi ay warbaahinta iyo maamulku ku wada shaqeyn karaan.”

 

Previous Post

Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ansixiyay xeer hoosaadkooda

Next Post

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa “Dhagesyo+Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa “Dhagesyo+Sawirro”

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa "Dhagesyo+Sawirro"

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In