Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026

Guddiga Baarlaamaniga ah ee loo xilsaaray baarista kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax)  ayaa maantaa soo saaray natiijada baaritanka ay sameeyeen.

Warbixinta Guddiga ayaa ka kooban qodobo ay ugu muhiimsanyihiin:

  • Ka-baaraan-degidda qaraarka Golaha Wasiirada ee 6dii Sebtember ee ku saabsanaa arrinkan.
  • Qodobada Dastuuriga ah, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Shuruucda dalka u dagsan ee ku saabsan dhiibista Qalbi Dhagax.
  • Kabaaraan-degidda iyo qiimaynta Qadiyadda.
  • Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin

Gudigu waxa ay soo bandhigeen in ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta sida dhaw xiriirka ula lahaa kiiskan.
Masuuliyiinta waraysiga ay la yeesheen waxaa ka mid ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taariikhda 21 October 2017.
  2. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda 22kii October 2017.
  3. Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taariikhda 22 October 2017
  4. Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taariikhda 23 October 2017
  5. Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxa Hay’adda Dembi-baarista Ciidanka Booliska Taariikh 23 October 2017.

Ka baaraandegidda iyo Qiimaynta Qadiyadda:

Gudiga ayaa warbixintooda ku soo bandhigay in arrintaan ay xirii la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u-soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya, dowladdana ay waajib ku tahay in ay mudnnaanta koowaad siiso Sugidda amniga qaranka iyada oo  guddigu hoosta ka xariiqeen siyaasadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha wadamada Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Qalbi-Dhagax iyo Ururka ONLF

Guddigu waxa ay bayaamiyeen in dhiibsita Qalbi Dhagax aan hab sharci ah loo marin, lagana tala gelin Hay’daha Garsoorka, iyadoo isla markaas ay maareeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka oo kaliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo hay’addu ay siisay Madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Guddigu waxa ay sheegeen in Jabhadda ONLF loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso  balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad  midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin.

Guddiga Baarlamaaniga ah ee loo xilsaaray baaritaanka waxa ay Xukuumadda fareen in ay dib u raac ku samayso Heshiisyadii hore ee dalka galay iyo in taxadar dheeraad ah ay muujiso markasta oo ay maareeynayso hawlaha xasaasiga ah iyada oo ku salaynaysa xog sugan oo waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

Ugu dambayntii Guddigu waxa ay ugu baaqeen Golaha Shacabka in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khal khal amni, loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta Qaranka.

SONNA

Previous Post

Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Next Post

Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

Next Post
Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey laba xubnood oo buuxinaya boosaskii ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In