Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowldda ay ku guuleysatay hirgelinta Nidaamka federaalka ,isla markaana caalamadihii guuleysiga ay ka muuqdaan shirka Jowhar shalay ka furmay.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Maxmaed Xuseen ayaa kula dar-daarmay inay ku kalsoonaadaan duubabka dhaqanka, si uu u miro dhalo hadafka loo joogo shirka Jowhar.
Hadalkan wasiirka Arrima gudaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli shalay la daah furay shirka maamul usameynta dadka dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.