Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ogeysiis Ku Socda Ganacsatada iyo Shirkadaha Badeecooyinka Dalka Keena

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ogeysiis:jago shaqo ka banaan golaha shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sumad/Ref/00671/WGW/15                                        Tr/Date 8/20/2015 

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada dibadaha wax ka keena iyo kuwa u dhoofiyaba in laga bilaabo 15 bisha Sebtember, 2015 guud ahaan Soomaaliya laga hirgelin doono nidaam taya dhawr si loo ilaaliyo deegaanka iyo faya dhawrka shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026

Badeecooyinka dalalka laga soo dhoofiyo inta aanan laga soo rarin waxaa  lagu sameyn doonaa baaritaan lagu ogaanayo tayada, kaddibna waxaa la siinayaa shahaado tayo oo caddeynaysa in badeecadaasi ay tayadeedu waafaqsantahay heerkii loogu tala galay.

Barnaamijkan waxaa fulin doona Shirkadda PGM oo khibrad dheer u leh baaritaannada tayada badeecooyinka kala geddisan, kana hawl gasha in ka badan 40 dal, xarunteeduna tahay dalka Turkiga,  taas oo ay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, heshiis kula gashay in ay koontarool ku sameyso dhammaan badeecadaha dalka soo galaya si loo hubiyo fayo dhawrka dadka iyo deegaanka oo dayacnaa 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Shahaadooyinka ay bixiyaan xafiisyada PGM ee dibadda waxaa mar kale lagu hubin doonaa dekadaha iyo garoomada Soomaaliya oo ay shaqaalaha shirkaddu ku suganyihiin si looga hortago in la sameysto shahaadooyin been abuur ah.

Sidaa darteed waxaa ganacsatada Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay ku wargeliyaan shirkadaha dibadda ee ay xiriirka la leeyihiin waqtiga dhaqan gelinta barnaamijkan eek or ku xusan. Qaabka shahaadooyinka loo bixiyo iyo xafiisyada shirkadda ee ay ganacsatada la xiriiri karaan ee daafaha dunida waxaa laga akhrisan karaa www.pgminspection.com. Sidoo kale haddii aad codsanayso in shahaado laguu soo saaro waxaad farriin u direysaa email-kan [email protected].

15ka bisha Sebtember waxay shirkadda PGM bilaabaysaa shahaadooyin ku meel gaar ah oo caddeynaya tayada badeecadaha la keenayo Soomaaliya. Shahaadooyinka waa la bixinayaa xitaa haddii aysan badeecadu gaarsiisnayn heerkii la rabay, balse waxaa lagu wargelinayaa qofka leh in tayada badeecadu aysan ahaydn heerkii la rabay. Shahaadooyinkaas kumeel gaarka ah waxay bixintoodu soconaysaa ilaa 31ka Oktoobar, 2015.

1da bisha Nofeembar, 2015 waxaa toos u dhaqan galaya barnamaijka tayo dhawrista, mana la ogolaan doono badeeco aan haysan shahaado tayo dhawr, lamana soo gelin doono dalka badeeco tayadeedu ka liidato heerkii loogu tala galay taasoo deegaanka iyo dadkaba caafimaadkooda dhibaato ku keeni karta.

Ugu dambeyntii, waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ganacsatada dibadda wax ka keena in uu bilaabmi doono siminaar ku saabsan sida hawshu u soconeyso, looguna gudbin doono qaabka wax loo baarayo iyo su’aalaha kale ee ay qabaan. Siminaarradaas waxay ka dhici doonaan dalalka Cumaan, Imaaraatka Carabta, Shiinaha, Kenya iyo Soomaaliya. Goobaha iyo taariikhda ay dhici doonaan waxaad ka akhrisan kartaa jadwalkan hoose.

Wixii faahfaahin intaasi dheer kala xiriir www.pgminspection.com/Somalia.

 

Taariikh Maalin Dalka Meesha
8/25/2015 Talaado Wafdiga PGM ayaa tagaya dalka Cumaan
8/26/2015 Arbaco Siminaar ku saabsan habka tayo baarista Hotel Hayatt/ Muscat  Saacadaha Siminaarka: 16:00- 19:00
8/27/2015 Khamiis Sinimaar ka dhacaya Imaaraatka Carabka ROTANA  ALL GUREIR HOTEL, Dubai  Saacadaha 16:00- 19:00
8/28/2015 Jimco Wafdiga PGM ayaa tagaya dalka Shiinaha
8/29/2015 Sabti Siminaar ka dhacaya Shiinaha CROWN PLAZA / Guangzhou – Saacadaha: 16:00- 19:00
8/30/2015 Axad Istanbul ayay Wafdiga ku laabanayaan
9/2/2015 Arbaco Kenya ayay usoo safrayaan
9/3/2015 Khamiis Siminaar ayaa ka dhacaya Kenya Laico Regency Hotel Nairobi  Saacadaha: 16:00- 19:00
9/4/2015 Jimco Soomaaliya ayay imaanayaan
9/5/2015 Sabti Siminaar iyo tababar dhanka shaqaalaha ah Goobta wali lama cayimin. Saacadaha 16:00- 19:00
9/6/2015 Axad Soomaliya ayay joogayaan
9/7/2015 Isniin Istanbul ayay ku laaban doonaan

 

 

___________________________________________________________________________________________

E-mail : [email protected]

Contact phones: +252-612228222

Tel/Fax No: 252 1 856976

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ka Qeyb Galay Kalan Looga Hadlay Waxqabadka Maamulka Puntland “Sawirro”

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Mooshinka Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ay Ka Keeneen Madaxweynaha “Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Mooshinka Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ay Ka Keeneen Madaxweynaha “Sawirro+Dhageyso”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Mooshinka Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ay Ka Keeneen Madaxweynaha “Sawirro+Dhageyso”

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca...

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In