Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ol olaha la dagaalanka cunista qaadka oo ka socda Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ol olaha la dagaalanka cunista qaadka oo ka socda Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mamulka iyo shaqalaha Shirkadda xooga korontada NEPCO‬ ee magalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Khamiis ah taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya, ka dib kulan ka dhacay hoolka Shirkadda.

Kulankan ayaa wuxuu dhexmaray Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid,mamulka NEPCO‬ iyo shaqalaha xaruntan, waxana laga wada hadlayay sida ugu wanaagsan ee bulshadda Soomaaliyeed looga wacyi galin karo dhibaatooyinka Qaadka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ugu horayntii mamulaha NEPCO‬ Mudane Yaasiin Maxamuud Indho-yare ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkan uu Qaaddiid doonaya in Qaadka Soomaaliya yimaada lagu joojiyo, sidoo kale waxa uu sheegay shirkadda uu maamulaha ka yahay inuusan ka shaqayn qof Qaad cuna ama ka ganacsada ayna sharuudaha ugu jirto inuusan ka shaqayn karin, wuxuna tilmaamay inay taageero ballaaran u hayaan Olalahan oo hadda si weyn uga hana-qaaday gobaladda Puntland.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa ku dhiirigaliyay shaqalaha iyo mamulka NEPCO‬ sida wanaagsan ee ay bulshadda Gaalkacyo ugu addeegaan, una gaarsiiyeen Koronto tayo leh, waxa uu Cawaale uga waramay dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, sababta uu olalahan u bilaabayna ay tahay in nolashada carruunta yar yar loo bad baadiyo oo hadda loo diyaarsho mustaqbal ifaya, mamulka iyo Gobalka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay dhankooda sii wadaan wacyi galinta Qaadka.

Qaar ka mid ah shaqalaha shirkadda Korontadda ee NEPCO‬ ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in umadda laga bad baadiyo aafooyinka Qaadka, lana fahamsiiyo in sanad kasta dhaqaalahooda ku dhaco Qaanado ku yaala Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Wacyi galinta la-dagalanka Qaadka ayaa gaaraya gobaladda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed loogu bidhaamiyo faa’iidada ay dalalka dariska la ah Soomaaliya ka helaan.

5 (1)

8

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

Next Post

Maamulka Galmudug oo dib u habeyn ku sameynaya wadooyinka Galkacyo

Next Post
Maamulka Galmudug oo dib u habeyn ku sameynaya wadooyinka Galkacyo

Maamulka Galmudug oo dib u habeyn ku sameynaya wadooyinka Galkacyo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In