Muqdisho waxaa soo buuxiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mudanayaal aqalka Sare, siyaasiyiin looga soo adkaaday kuraasta, salaaddiin, Madax iyo shaqaale Dowlad Goboleedyo, dallaalliinta siyaasadda oo badiyaa la arko marka ay doorasho jirto ama marka xiisad siyaasadeed ay oogan tahay oo cod loo baahdo, Madax iyo shaqaale aanay munaasab ahayn in ay olole doorasho ka qeyb qaataan hase yeeshee bareeray oo aan dhowrsaneyn cid yac ka dhahaysana aanan anigu arag, qurba-joog, weriyayaal iyo noocyo kale oo badan.
Intaa waxaa socda martiqaadyo qado ama casho u badan. Dhoollatus ayaa jira. Gooddis kama maqna. Qaar waa xodxodasho. Kuwo waa kasbeyn. Noocyo kalena waa ay jiraan.
Waddadooyinka tirada yar ee ay siyaasiyiintu ku diqdhiyaan waxaa suran sawirrada murashixiinta oo aad u waaweyn oo ay ku jiraan sawirrada murashixiin tanaasulay ama illoobay in ay tartanka qeyb ka yihiin. Sawirrada qaarkood waa ay isku beegan yihiin sidii in ay isa salaamayaan ama uu midba midka kale isha ku hayo dhaqdhaqaaqiisa.
Guryo waaweyn oo qaarkood ay isu muuqdaan ayaa waxaa ka socda ololaha doorashada oo habeen iyo maalin dad sii galayaan, qaar kale ay ka soo baxayaan, qaar gudaha hawiran la sheegayo, baabuurtu ay hor tuban tahay.
Waxaa kale oo socda isu guurguur iyo isu beenguur ka dhex jira mudanayaasha iyo xataa marmar murashaxiinta qaarkood.
Safarrada gaa-gaaban ee Murashxiinta ah ee dalalka deriska ilaa Khaliijka lagu tagayo iyo kuwa lagu tegayo ama looga imaanayo caasimadaha Dowlad Goboleedyadu waa joogto.
Dhafarka iyo Xanta Doorashada
Xanta doorashada ayaa baalal yeelatay oo intaa duuleysa. Adigu haddii aadan doonan iyadaa ku soo doonaneysa. Xataa adiga oo hurda ayaa farriimo qoraal ah laguugu sii baarkimayaa telefoonkaaga gacanta.
Sidii ay u kala dambeeyeen ayaga oo u kala sarreeya ayaad qaar ku heleysaa SMS. Qaar waxaad ka heleysaa sanduuqyada farriimaha ee saxaafadda bulshada sida Twitter iyo Facebook. Qaar kale waxay kugu sugayaan isgaarsiinta webka ku shaqeysa sida WhatsApp, Viber iyo kuwo kale.
Saacadda Muqdisho laga seexdo siiba xaafadaha siyaasiyiintu ay badiyaa degaan kuna shaqeystaan aad ayay dib ugu dhacday oo waxay u sii dhowaaneysaa waaberiga.
Makhaayad hotel oo la xiri jiray saacad ka hor inta aan la gaarin habeenbarkii ayaan habeen hore arkayay iyada oo la tuban yahay 1:30 habeennimo (toddoba saac iyo bar) oo shaah iyo qaxwo laga dalbanayo. Goobtaas waxaa xilligaa ku sugnaa ugu yaraan saddex ka mid ah murashxiinta oo gooni gooni u ugaarsanaya Xildhibaanno.
Haddii aad soo jeeddo la yaab ma laha in aad saddexda aroornimo (sagaal saac) aad idinka oo aan ballamin iska soo horbaxdaan murashax magac weyn sida habeen dhoweyd igu dhacday mar aan Xildhibaanno doodaya aan dhegeysanayay.
Dadkaan isu soo ururay oo dhan waxaan u arkaa wanaag iyo in loo soo jeestay in talo lagu lahaado xulidda Hoggaamiyaha dalka. Waa xaq muwaadddin kasta u bannaan. Waana anigu aan ku farxay.
Walow aan Xildhibaanno badan saaxiib nahay, qaar ka sii bandanna aan macriifo nahay, ma jiro Xildhibaan sida in aan ka caqli badan ahay, ka xog ogaalsan ahay ama aan ka waddanisan ahay aan u tilmaamay murashaxa uu codka siin lahaa.
Wada Madaxweyne
Xilliga lagu jiro ee doorashadu ay soo dhow dahay, olole kasta uu gaaray heerka ugu sarreeyo ee uu gaari karo, welina aan codka la qaadin, waa xilli aan ku magacaabo xilliga farxadda. Koox kasta waxaa ay isu aragtaa in ay kursiga soo haaban karto.
Haddiiba ay dhacdo in aan doorashada ka sheekeysanno waxaan Xildhibaannada weydiiyaa su’aalo ku saabsan sida laga yaabo in ay wax u dhacaan.
Weli ma arkin koox u ololeyneysa Murashax oo qaba in uu murashaxoodu ku hari doono wareegga koowaad sida aniga iyo murashxiin kale oo badan nagu dhacday 2012.
Waxaan naxaa, marna nafis dareemaa marka aan arko rag been ii sheegay 2012 oo hadda dad hor leh wax u sheegaya.
Si kastaba ha ahaatee, murashxiinta ku hari doona wareegga koowaad iyo kuwa ku hari doona wareegyada xiga iyo kooxaha hadda u ololeynayaa waxay u baahan yihiin in ay hadda ku sii talo galaan in uu hal murashax oo keliyihi uu ku guuleysan doono Xilka.
Waxaa ka sii muhiimsan in ay ka fekeraan in laga yaabo in aan murashaxaasi kooda noqon.
Waxaa habboon in arrinkaas laga fekero ka hor inta aan Xildhibaannada afka kaaga sheegay in murashaxaagu Madaxweyne noqon doono aanay ficil ahaan kuu tusin in ay murashaxaaga u diideen in uu noqdo Madaxweyne.
Haddaba natiijada ka dib, maxaa la gudboon murashixiinta aan guuleysan? Xildhibaannada u codeeyay? miigganayaasha u ololeeyay? Iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed?
Qormadeyda tan xigta ayaan su’aashaas uga jawaabi doonaa sida ay aniga ila tahay.
Qore:- Yuusuf Garaad Axmed.