Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Isxilqaan oo ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ololaha Isxilqaan oo ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kaddib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan, kana codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay saacadahooda toddobaadkii qeyb ka mid ah galiyaan dalkooda, ayaa maanta xoogagga wadaniyiinta ee qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ay bilaabeen Ololaha Isxilqaan.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Degmada Warta-nabadda oo ka mid ah degmooyinka Ololuhu ku bilaawday, waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah xogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo Olole nadaafadeed oo Isxilqaan ka sameeyay waddooyin muhiim ah oo degmada ku yaala sida waddada wadnaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamed Xaabseey oo hor-kaceysay xogagga wadaniyiinta ah ayaa SONNA u sheegtay in iyaga oo ka jawaabaya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay maanta qabteen hawl nadaafadeed oo Isxilqaan ah.

“Maanta oo jimce ah dadkuna ay nasanayaan waxaan usoo baxnay in aan fullino baaqii Madaxweynaha ee shalay uu shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday in saacado ka mid ah waqtigooda ay galiyaan dhismaha iyo bilicda dalkooda, ilaa saaka xoogagga wadaniyiinta ah ee degmada waxaan u taagan yihiin hawsha nadaafadeed ee aad u jeedaan”

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen kummanaan qof oo ka mid ah xoogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir uga dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo loogu talagalay in lagu dhiso dalka, isaga oo Madaxweynuhu ka sodsaday muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in toddobaadkii labo saacadood iyo bar ka mid ah waqtigiisa uu galiyo dalkiisa.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Berri booqanaya Dalka Eretrea

Next Post

Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In