Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Isxilqaan oo ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ololaha Isxilqaan oo ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kaddib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan, kana codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay saacadahooda toddobaadkii qeyb ka mid ah galiyaan dalkooda, ayaa maanta xoogagga wadaniyiinta ee qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ay bilaabeen Ololaha Isxilqaan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Degmada Warta-nabadda oo ka mid ah degmooyinka Ololuhu ku bilaawday, waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah xogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo Olole nadaafadeed oo Isxilqaan ka sameeyay waddooyin muhiim ah oo degmada ku yaala sida waddada wadnaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamed Xaabseey oo hor-kaceysay xogagga wadaniyiinta ah ayaa SONNA u sheegtay in iyaga oo ka jawaabaya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay maanta qabteen hawl nadaafadeed oo Isxilqaan ah.

“Maanta oo jimce ah dadkuna ay nasanayaan waxaan usoo baxnay in aan fullino baaqii Madaxweynaha ee shalay uu shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday in saacado ka mid ah waqtigooda ay galiyaan dhismaha iyo bilicda dalkooda, ilaa saaka xoogagga wadaniyiinta ah ee degmada waxaan u taagan yihiin hawsha nadaafadeed ee aad u jeedaan”

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen kummanaan qof oo ka mid ah xoogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir uga dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo loogu talagalay in lagu dhiso dalka, isaga oo Madaxweynuhu ka sodsaday muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in toddobaadkii labo saacadood iyo bar ka mid ah waqtigiisa uu galiyo dalkiisa.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Berri booqanaya Dalka Eretrea

Next Post

Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Arday ka aflaxday Iskuulka Xanaanada Axlaam oo shahaadooyin la guddoonsiiyay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In