Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan looga hadlayay cirib tirka Kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS oo maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ,ururka haweenka Qaranka ,dhalinyaro  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Makaraan ayaa sheegay in Kooxda argagisada ah ay meel uga dhaceen magaca dhalinyarada Soomaaliyeed loona baahanyahay dhalinyarada in ay iska difaacaan.

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

‘’Shabaab waa dhalinyaro magicii ayaa waxaa laga dhigay bahal ,waxaan leenahay magaceena dib ayuu usoo noqday  waxaa lanaga rabaa marka inaan ilaalsano ayaa ka ilaalsaneynaa waxaan ka ilaalsaneynaa ururka gumaadka umada soomaaliyeed ee UGUS”ayuu yiri Makaraan.

Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa  ugu baaqday haweenka soomaaliyeed in loo midoobo cirib tirka kooxda argagisada ah.
‘
’haweenka ardyada ,isboortiga waxaan u baahanahay yaa wadani ah  ,waxaan ka guurnay mugdigii ,waxaan ka guurnay gurigii madoobaa waxaan ka guurnay jidkii bur bursanaa ,waxaan ka guurnay leyr la’aantii iyo biya la’aantii waxaana u guurnay wadadii saxda aheyd.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho  Mudane Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa ka hadlay doorka ay bulsahda ku leedahay sugida amaanka caasimada.

 ‘’Doorka Bulshada ay ku leedahay sugida nabad gelyada waa in ay la shaqeyso ciidamda nabad gelyada nabad sugida iyo booliska markaas ayaa gacmaha wada jira ayaan uga guuleysan karnaa cadowga UGUS ee Soomaaliya kusoo duulay’’ayuu yiri gudoomiyaha gobolka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Colonel C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sharaxay sida uu ku biloowday ololaha ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ah.

‘’Dhalinyarada Soomaaliyeed baa cabasho ka timid magaceena ayaa la xaday ayay dhaheen hay’adaha amaanka hanoo soo dhiciyaan dhulkaba wey soo dhiciyaanee magacii baa loo soo celiyay dowlada dhan ayaa soo celisay anagana dowlada waxaan uga mas’uul nahay qofka dhahaya oo magaca aan nimankaas laheyn ku tilmaamaya in ay dhahaan joojiya’’

Qorshaha cirib tirka maleeshiyaadka umada soomaaliyeed ee UGUS ayaa waxaa ka wada qeyb qaadanaya hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo kaashaneysa maamulka gobolka banaadir iyo shacabka soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo la kulmay madaxda Jaamacadaha Muqdisho{SAWIRRO}

Next Post

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qayb galay caawa shir amaanka looga hadlay{SAWIRRO}

Next Post
Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qayb galay caawa shir amaanka looga hadlay{SAWIRRO}

Ra'iisul wasaaraha dalka oo ka qayb galay caawa shir amaanka looga hadlay{SAWIRRO}

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In