Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole lagu wacyigelinayo Barakacayaasha oo lagu qabtay Degmada Kaxda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
March 22, 2020
in Wararka
0
Olole lagu wacyigelinayo Barakacayaasha oo lagu qabtay Degmada Kaxda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Noole kasta oo jooga aduunkaan waxaa halbowlo u ah Biyaha waxaana ay  qeyb weyn ku leeyihiin nolosha dadka iyo duunyada,hadaba iyadoo maanta ay ku beegantahay Maalinta biyaha aduunka ayay masuuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha ee dowladda Soomaaliy ayaa waxa   booqdeen  barakacaayaasha ku nool degmada kaxda ee gobolka Banaadir waxaana ay u sameeyseen wacyigelin iyo aqoon kororsi ku aadan sidii ay u ilaalin lahaayeen nadaafadda si loo hubiyo bad qabka bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaana bedelka xaflado la qabto siisay in bulshada si toos ah loo gaarsiyo wacyigelin islamarkaana lagu bogaadiyo inay ka qeyb-qaataan ilaalinta Nadaafadda .

Related posts

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

September 23, 2023

Guud ahaan goobaha ay booqdeen waxaa sidoo kale ay gaarsiiyeen dawooyinka lagu hubinayo nadaafada  biyaha iyo deegaanka waxaana loo qeybiyay qoys walbo agabyo Caafimaad.

Cali Cadoow Maxamuud Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada Kaxda ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda tamarta sida ay xooja usaareyso hubinta Caafimaadka  iyo caawinta dadka danyarta ah.

“Anigoo ku hadlay magaca maamulka degmada waxaa wasaaradda uga mahadcelinayaa dadaalka ay wado oo ah in la garab qabto dadka danyarta waxaana ay maanta dawooyin siisay dad gaaraya ilaa kun qoys”sidass waxaa yiri Cali Cadoow Maxamuud Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo uwaramay warbaahinta Qaranka ayaa hadlay qaabka loo wagyigelinayo bulshada.

“Maanta degmada kaxda waxaan ka sameeynayay barnaamij wacyigelin ah oo aan ugu talagalnay in bulshada barno nadaafadda maadaama cudur qatarta ah ee karoona feyrus ee caalamka dhibaatada ku haayo loogu hortagi karo nadaafadda “sidaas waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo Khayraadka biyaha

Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyada dowladda Soomaaliya ayaa hormaro la taaban karo ka sameysay Qorshayaasha  lagu horumarinayo biyaha dalka si loo gaarsiiyo Gobol, Degmo iyo heer Tuulo oo ka mid ah dalka waxaa laga hirgeliyay Ceelal dadka iyo duunyada ay ka biyo ka  Cabaan taas ayaana saldhig u ah doorka muuqda ee Sannadkaan Soomaaliya ee dhanka Biyaha ay ka gaartay.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax Radio muqdisho Isniin 23-03-2020

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax Radio muqdisho Isniin 23-03-2020

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish....

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

September 23, 2023
0

Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa...

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

September 23, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada...

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In