Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay Degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen Ololaha Nadaafadda
“Waxaan halkan u imid inaan u kuurgalo, isla markaana aan idinkala qeyb qaato ololaha Nadaafadeed ee ka socda Waaxda Bendar-wanaag ee degamda Heliwaa, runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis. qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo Nadaafadda, Nabadgelyada iyo Naleynta Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata ololaha nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah oo ay ku faraxdo”.
Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada, isla markaana looga hortagayo in Geed yahuudka uu ku soo bato xaafaddaha Degamda, kaasi oo ka dhalan karta qatar amni iyo mid Nadaafadeed intuba.
Dhinaca kale waxaa degmada ka socotay howlo lagu dayactirayay Nalalka cadceedda ku shaqeeya, kuwaasi oo qeyb ka qaata bilicda iyo amniga degmada, waxaana uu ugu baaqay bulshada degmada inay xoojiyaan ka shaqeynta amniga iyo bilic soo celinta Degmada.