Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay waddeen olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo dhammaan goobaha muhiimka ah ee magaalada, si wax looga qabto qashinka iyo nadaafad xumida magaalada.
Shaqaallaha iyo Maamulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa Warbaahinta ka sii daayey farriimo guubaabo ah, laguna dhiirri gelinayo dadka ku nool degmada si ay uga ka qeyb qaataan horumarinta nadaafadda deegaanka.
Mas’uuliyiinta Degmada Galkacyo oo uu hogaaminaayo Agaasimaha Waaxda Nadaafada, Mudane Cabdullahi Cabdiraxman Cumar, ayaa waxa uu istaagay in ay qeyb lixaadleh ka qaataan nadiifinta magaalada.
Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ku booriyey in ay nadaafadu tahay imaanka barkii, nadiifinta magalada Galkacyona ay tahay mas’uuliyad wada saaran dhamaan dadka ku nool magaalada.
Agaasimaha Faya-dhoorka ee magaalada Gaalkacyo ayaa yiri, “Annaga hadaan Islaam nahay, waxaa nalafaray in aan nadiifino meesha aan ku noolnahay, waa waajib dhamaanteen nawada saran, Dadka ku nool magaalada waxaan ka codsaneeynaa in ay mamuulka ku garab istagaan nadifinta magaalada”.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo oo iyaguna ka qeyb qaadanayey ololaha nadaafadda ayaa soo dhaweeyay howlaha nadaafadda Dowladda Hoose waddo.