Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Pakistan ayaa billowday in ay baarto wixii dhaliyey booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada bariga ku taalla ee Baxwalbuur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in baaritaanka uu si rasmi ah u billaaban doono berri oo Khamiis ah isla markaana ay warbixin cad ka soo saari doonaan wixii sababay shilkaas.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

25-kii bishii hore ee June ayaa booyadan oo ay leedahay shirkad qandaraas lagu siiyeyey shidaalka ayaa ka baxday waddada waana ay gadoontay, waxaana markii dambe ku soo xoomay dad aad u fara badan oo raba in ay qaataan gaaska saraan booyada balse markii dambe waa ay qaraxday oo halkaas khasaaro badan ayaa ka dhacay.

Afhayeenka u hadlay dowladda Pakistan ayaa sheegay in booyada shidaalka ay u kireesneed shirkadda Shell ee dalka Pakistan taasoo gaaska ka keenta magaalada dekedda leh ee ku taalla koonfurta Karachi isla markaana geysya magaalada Lahore, ee caasimadda gobalka Punjab.

Shirkadda Shelle ee dalka Pakistan oo hoostagtada shirkadda kale ee Royal Dutch Shell ayaa soo saartay qoraalย  wax yar kaddib markii shilka uu dhacay, waxaana ay sheegtay in ay dowladda kala shaqeyn doonto baaritaanka socda.

โ€œBadqabka wadadda waa arrinta ugu weyn ee ahmiyadda u leh Shelle waxaa horrey u sheegnay in aan diyaar u nahay baaritaanka socda in aan ka qeyb qaadano si loo ogaado waxa sababay dhacdadan,โ€ ayuu yiri maamulaha shirkadda Jawwad Jeema.

Markii uu dhacay qaraxa, afhayeen u hadlay gobalka Bunjaab ayaa sheegay in ay ka digeen in loo dhawaado booyadda shidaalka markii ay wadadda ka baxday isagoo intaas ku daray in uu wadihii booyadda uu lumiyey xakameynta baabuurka.

Darawalka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday shilkaas iyo qarixii danbe ee xigay.

Shidaalka waa wax yaabaha aad looga isticmaalo dalka Pakistan, in ka badan 60% ayaa isticmaala shidaalka, sidaas waxaa laga soo xigtay sahan uu sameeyay Bangiga adduunka.

Raโ€™iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Shariif ayaa ku dhawaaway 20 Milyan oo lacagta Pakitan ee Rubida oo u dhiggan 20 ($20,000) in ay magadhow ahaan u siiyeen qoysaska dhibanayaasha.

Talaadadii shaley, tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay korartay oo ay gaartay 209 qof kaddib markii 60 qof oo dhaawacyo qabay ay ku dhinteen Isbitaalka sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalka Fiktooriya , Amir Mehmood oo u warramay wakaaladda wararka Reuters.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Next Post
Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In