Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Pakistan ayaa billowday in ay baarto wixii dhaliyey booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada bariga ku taalla ee Baxwalbuur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in baaritaanka uu si rasmi ah u billaaban doono berri oo Khamiis ah isla markaana ay warbixin cad ka soo saari doonaan wixii sababay shilkaas.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

25-kii bishii hore ee June ayaa booyadan oo ay leedahay shirkad qandaraas lagu siiyeyey shidaalka ayaa ka baxday waddada waana ay gadoontay, waxaana markii dambe ku soo xoomay dad aad u fara badan oo raba in ay qaataan gaaska saraan booyada balse markii dambe waa ay qaraxday oo halkaas khasaaro badan ayaa ka dhacay.

Afhayeenka u hadlay dowladda Pakistan ayaa sheegay in booyada shidaalka ay u kireesneed shirkadda Shell ee dalka Pakistan taasoo gaaska ka keenta magaalada dekedda leh ee ku taalla koonfurta Karachi isla markaana geysya magaalada Lahore, ee caasimadda gobalka Punjab.

Shirkadda Shelle ee dalka Pakistan oo hoostagtada shirkadda kale ee Royal Dutch Shell ayaa soo saartay qoraalΒ  wax yar kaddib markii shilka uu dhacay, waxaana ay sheegtay in ay dowladda kala shaqeyn doonto baaritaanka socda.

β€œBadqabka wadadda waa arrinta ugu weyn ee ahmiyadda u leh Shelle waxaa horrey u sheegnay in aan diyaar u nahay baaritaanka socda in aan ka qeyb qaadano si loo ogaado waxa sababay dhacdadan,” ayuu yiri maamulaha shirkadda Jawwad Jeema.

Markii uu dhacay qaraxa, afhayeen u hadlay gobalka Bunjaab ayaa sheegay in ay ka digeen in loo dhawaado booyadda shidaalka markii ay wadadda ka baxday isagoo intaas ku daray in uu wadihii booyadda uu lumiyey xakameynta baabuurka.

Darawalka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday shilkaas iyo qarixii danbe ee xigay.

Shidaalka waa wax yaabaha aad looga isticmaalo dalka Pakistan, in ka badan 60% ayaa isticmaala shidaalka, sidaas waxaa laga soo xigtay sahan uu sameeyay Bangiga adduunka.

Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Shariif ayaa ku dhawaaway 20 Milyan oo lacagta Pakitan ee Rubida oo u dhiggan 20 ($20,000) in ay magadhow ahaan u siiyeen qoysaska dhibanayaasha.

Talaadadii shaley, tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay korartay oo ay gaartay 209 qof kaddib markii 60 qof oo dhaawacyo qabay ay ku dhinteen Isbitaalka sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalka Fiktooriya , Amir Mehmood oo u warramay wakaaladda wararka Reuters.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Next Post
Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Baarlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In