Guud ahaan dalka Papua New Guinea, ayaa u diyaargaroobaya ololaha tallaalka cudurka dabeysha,si dadka muwaadiniinta ah looga ilaaliyo cudurkaasi oo 18-sano ka hor laga ciribtiray gudaha dalkaasi.
Tallaalkaan oo ay wadaan dowladda Papua New Guinea iyo Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dunida WHO,waxa ujedadu tahay in la joojiyo fiditaanka cudurka dabeysha,kadib markii dalkaasi laga helay kiisas toban ah oo cudurka dabeysha ah.
Todobaadkii hore Wasiirka Caafimaaadka ,ayaa xaqiijiyay in hal kiis oo cudurkaasi ah laga helay magaalada Port Moresby,oo ah caasimadda K/galbeed ee Pacific-ga dakaasi,halkaasi oo ay degaan dadka saboolka ah.
Sagaalka kale ee kiiska cudurka ayaa bishii June ee la soo dhaafay laga helay deegaanada fogfog ee dalka Papua New Guinea
Ololaha tallaalka cudurka dabeysha,ayaa lagu wadaa in guud ahaan dalkaasi uu ka bilowdo 1-da bisha Oktobar ee soo socota.