Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

September 11, 2018
in Wararka
0
Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee arrimaha bulshada (Tubta Arrimaha Bulshada) oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa sheegay in kulanka lagu ansixiyay qorshaha wax ka qabashada faqriga oo uu soo bandhigay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Qorshaha yaraynta faqriga ayaa waxaa kamid ah hir-gelinta hannaan isku xir loogu samaynayo hay’adaha gargaarka iyo in la sameeyo cilmi baaris lagu ogaanayo heerka nolosha dadka danyarta ah iyo sida deeqaha ay bixiyaan hay’adaha gargaarku ay wax uga bedelaan nolosha bulshada.

Kulankan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarinta hannaanka waxbarashada, gaar ahaan in iskuulaadkii dawladdu maamuli jirtay lagu soo celiyo gacanta dawladda, in macallimiin iyo maamulayaal ay dawladdu mushaarkooda bixiso loo shaqaalaysiiyo iskuulaadka dawladdu maamusho, in la helo guddi qiimayn iyo kormeer ku sameeya tayada waxbarashada iyo in manhajka cusub ee waxbarashada la gaarsiiyo iskuulaadka.

Tubta Arrimaha Bulshada ayaa oggolaatay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ay qorshayaashaan u fulis0 sida ay usoo diraarisay si hannaanka loo teyeeyo waxbarashada dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Waxbrashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada “Sawirro”

Next Post

Papua New Guinea:18-sano kadib Tallaalka Cudurka Dabeysha oo la bilaabayo

Next Post
Papua New Guinea:18-sano kadib Tallaalka Cudurka Dabeysha oo la bilaabayo

Papua New Guinea:18-sano kadib Tallaalka Cudurka Dabeysha oo la bilaabayo

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In