Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka ee Pentagon ayaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo,Capt. Jeff Davis, ayaa sheegay in ciidanka militiriga Mareykanka ay dileen 12 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab kadib markii ay howlgal gaadmo ah ka fuliyeen deegaanka Cabdale Biroole oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in howlgalka maleeshiyaadkan lagu diley oo dhacay maalmihii Isniinta iyo Tallaadada, isla markaana u jeedada goobtaas oo beegsaday ay aheyd meel maleeshiyaadka ay ku maleegayeen weeraro ka dhanka ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya.
Howlgalka lagu laayay maleeshiyaadkan oo ay fuliyeen ciidanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa gacan ka geystay ciidanka kumandooska Soomaaliya kaas oo ka dhacay meel dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo.
Weerarkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa weeraro silsilado isku xig xigay oo ciidanka Mareykanka iyo kuwo Soomaaliya ay la beegsanayeen fadhiisamada gudaha Soomaaliya ay ku leeyihiin horjoogiyaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Dowaladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha...