Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad ballaaran oo lagu soo bandhigayay adeegyada baniga Premier ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayadoo lagu soo bandhigay halkaasi adeegyo cusub oo uu bangigu soo kordhiyay. Wakiilo ka socday shirkadaha xawaaladaha, bankiyada, ganacsato, danjireyaal, bahda waxbarashada, uruada haweenka, dhalinyarada, qurbo-joogta, bahda isboortiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabaddan.

Adeegyada Premier Bank soo banadhigay ayaa waxaa ka mid ah maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka, xisaabaad (Akoonno) u gaar ah haweenka (maandeeq account), Internet banking qofka akoonkiisa ku maamulan karo isaga oo meel kasta adduunka ka jooga iyo sidoo kale akoonno loogu talo galay qurbo-joogta oo iyada dhawaan bankigu daah-furi doono.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Sheekh Badruddiin Sheekh  Rashiid Ibraahim oo ka tirsan golaha shareecada ee bankiga ayaa  faahfaahin ka bixiyay hababka maalgelineed ee bankigu isticmaalo (Siyaq-attamwiil al-islaamii) isaga oo ka xusay habka muraabaxada, Ijaarada iyo bayc-asalam. Sheekha ayaa xusay in qaacidada baananka islaamku ku dhisan  tahay in bankigu khatar (risk)  qaato si uu faa’iido xalaal ah u helo.

Bankiga Premier ayaa sidoo soo bandhigay adeegyo aan dalka horay loo keenin sida MasterCard iyo SWIFT oo suurta galinaya in lacagaha loo diro isla markaana lagaaga soo diro caalamka.

“MasterCard oo isugu jira Debit iyo Prepaid ayaa Soomaalida gudaha u suurogelinaya in ay kaararka Premier ku isticmaali karaan daafaha adduunka iyaga oo ATM lacag kala bixi kara, badeeco kaga iibsan kara Point of sale ama Internet-ka wax kaga iibsan kara, halka Soomaalida qurbaha adeegani u suurogelinayo  in ay kaararkooda MasterCard ee dibedda ay ku adeegsan karaan gudaha Soomaaliya” Ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo ah mada Operations-ka bankiga.

Cabdiweli Musse oo ah madaxa shirkadaha xawaaladaha ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay adeegyada uu soo kordhiyay Premier Bank isaga oo ku tilmaamay kaalinta xawaaladaha iyo bankiyadu ugu jiraan Soomalaiya ay la mid tahay kaalinta shidaalku ugu jiro dawladaha Khaliijka. Cabdiweli ayaa sidoo kale ugu baaqay cid kasta oo awoodda in la caawiyo lana ilaaliyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha  guddiga sare ee bangiga Premier,  Mudane Jibriil Hassan Maxamed  ayaa sheegay in ganacsatada bangigaan furtay ay ka jawaabayaan baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabto adeegyada banki ee ay u baahanyihiin isaga oo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dadaal iyo waqti fara badan ka galay milkiilayaasha iyo maamulka bankiga sidii uu dalka u keeni lahaa adeegyo casri ah dalka ku xiraya caalamka.

“SWIFT waa adeeg sahlaya in Soomaaliya lacag laga diro isla markaana loo soo diro”. ayuu yiri Jibriil oo intaas ku daray in adeegyadan casriga ah ee Premier soo kordhiyay ay sawir wanaagsan ka bixinayaan dalka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in bangiyo Islaami oo bixinaya adeegyadan oo kale ay dalka ku bataan taas oo qeyb ka qaadan doonta horumarka iyo maalgashiga waddanka.

3 1 2

N40A8934 N40A8952  N40A8916  N40A8905

Previous Post

Sida looga hortagi karo dhibaatada uu Qaadka ku hayo bulshada oo laga hadlay

Next Post

Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Next Post
Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In