Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Premier banki oo soo bandhigay adeegyada uu soo kordhiyay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad ballaaran oo lagu soo bandhigayay adeegyada baniga Premier ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayadoo lagu soo bandhigay halkaasi adeegyo cusub oo uu bangigu soo kordhiyay. Wakiilo ka socday shirkadaha xawaaladaha, bankiyada, ganacsato, danjireyaal, bahda waxbarashada, uruada haweenka, dhalinyarada, qurbo-joogta, bahda isboortiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabaddan.

Adeegyada Premier Bank soo banadhigay ayaa waxaa ka mid ah maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka, xisaabaad (Akoonno) u gaar ah haweenka (maandeeq account), Internet banking qofka akoonkiisa ku maamulan karo isaga oo meel kasta adduunka ka jooga iyo sidoo kale akoonno loogu talo galay qurbo-joogta oo iyada dhawaan bankigu daah-furi doono.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Sheekh Badruddiin Sheekh  Rashiid Ibraahim oo ka tirsan golaha shareecada ee bankiga ayaa  faahfaahin ka bixiyay hababka maalgelineed ee bankigu isticmaalo (Siyaq-attamwiil al-islaamii) isaga oo ka xusay habka muraabaxada, Ijaarada iyo bayc-asalam. Sheekha ayaa xusay in qaacidada baananka islaamku ku dhisan  tahay in bankigu khatar (risk)  qaato si uu faa’iido xalaal ah u helo.

Bankiga Premier ayaa sidoo soo bandhigay adeegyo aan dalka horay loo keenin sida MasterCard iyo SWIFT oo suurta galinaya in lacagaha loo diro isla markaana lagaaga soo diro caalamka.

“MasterCard oo isugu jira Debit iyo Prepaid ayaa Soomaalida gudaha u suurogelinaya in ay kaararka Premier ku isticmaali karaan daafaha adduunka iyaga oo ATM lacag kala bixi kara, badeeco kaga iibsan kara Point of sale ama Internet-ka wax kaga iibsan kara, halka Soomaalida qurbaha adeegani u suurogelinayo  in ay kaararkooda MasterCard ee dibedda ay ku adeegsan karaan gudaha Soomaaliya” Ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo ah mada Operations-ka bankiga.

Cabdiweli Musse oo ah madaxa shirkadaha xawaaladaha ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay adeegyada uu soo kordhiyay Premier Bank isaga oo ku tilmaamay kaalinta xawaaladaha iyo bankiyadu ugu jiraan Soomalaiya ay la mid tahay kaalinta shidaalku ugu jiro dawladaha Khaliijka. Cabdiweli ayaa sidoo kale ugu baaqay cid kasta oo awoodda in la caawiyo lana ilaaliyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha  guddiga sare ee bangiga Premier,  Mudane Jibriil Hassan Maxamed  ayaa sheegay in ganacsatada bangigaan furtay ay ka jawaabayaan baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabto adeegyada banki ee ay u baahanyihiin isaga oo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dadaal iyo waqti fara badan ka galay milkiilayaasha iyo maamulka bankiga sidii uu dalka u keeni lahaa adeegyo casri ah dalka ku xiraya caalamka.

“SWIFT waa adeeg sahlaya in Soomaaliya lacag laga diro isla markaana loo soo diro”. ayuu yiri Jibriil oo intaas ku daray in adeegyadan casriga ah ee Premier soo kordhiyay ay sawir wanaagsan ka bixinayaan dalka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in bangiyo Islaami oo bixinaya adeegyadan oo kale ay dalka ku bataan taas oo qeyb ka qaadan doonta horumarka iyo maalgashiga waddanka.

3 1 2

N40A8934 N40A8952  N40A8916  N40A8905

Previous Post

Sida looga hortagi karo dhibaatada uu Qaadka ku hayo bulshada oo laga hadlay

Next Post

Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Next Post
Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In