Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bangiga Premier ee Somalia, ayaa markii ugu Horreysay taariikhda keenay Somalia adeeegga kaararka ee VISA, taasoo la jaan-qaadaysa siyaasadda Bangiga ee ku saleysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee Casriga ah ee ay kaararku ka mid yihiin. Qaybta hore ee heshiiskan dhex-maray VISA & Premier Bank ayaa u Suuro-gelinaysa Macaamiisha haysta Card-ka Visa in ay ku Isticmaali karaan ATM-yada Premier Bank ee yaalla guud ahaan dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay in Bangiga Premier uu noqdo Macmiilkii ugu horreeyay ee adeeggeenna ka hirgeliya Somalia. Waxaana sii wadi doonaa inaan hormuud u ahaanno gacan-ka-geysashada dhisidda hay’ado maaliyadeed oo la isku halleyn karo, isla markaana fursad u siinaya qof kasta oo Somali ah. Waxaan rajeynayaa in wada-shaqaayntan Premier Bank ay dardar-geliso habka casriga ah ee lacag is weydaarsiga Somalia” ayuu Maamulaha Guud ee VISA ee Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika, Jabu Basopo.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay heshiiskaan, ATM-yada Premier Bank ayaa Macaamiisha wata kaararka VISA siinaya Adeegyada ay ka mid yihiin: lacag la bixidda iyo ogaanshaha haraaga xisaabaadkooda guud ahaan Soomaaliya.

Madaxa Premier Bank, Mahad Maxamed Axmed ayaa isna yiri: “Heshiiskan aan la galnay VISA wuxuu dar-dar-gelinayaa badashada isticmaalka hababka lacag-bixinta casriga ah ee Somalia iyo in ay Soomaali badan ku soo biiraan isticmaalka hababka Bangi ee Adduunka laga adegsado.”

“Premier Bank wuxuu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu shacabka Soomaaliyeed ugu keenayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, iyadoo bankigu horay u ahaa – bankigii ugu horereyay ee noociisa ah oo abid ka hir-geliya Somalia Adeegga karaka MasterCard,” ayuu mar kale yiri maamulaha Premier Bank.

Wuxuu mas’uulku intaas ku daray in Premier Bank Limited uu yahay mid Islaami ah oo ka haysta warqadda ruqsadda shaqo Bangig dhexe ee Somalia (License No. CBL2016-006), si uu u bixiyo adeegyo Bangi iyo kuwo maaliyadeed.

Maamulaha ayaa xusay in Bangiga uu hada bixiyo Adeegyo maaliyeed oo ay ka faa’iideys-taan dadweynaha, ganacsiyada yar-yar iyo waa-weyn ee gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha kala duwan.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay mas’uulkan in Bankigu uu hadda ku hawl-galo afar laamood oo ku yaala magaalada Muqdishu, taasna waxaa bar-bar socda qorshaha uu Bankigu laamo cusub uga furayo Muqdishu iyo magaalooyin kale ee Somalia.

Ugu dambeyn, Adeegyada kaararka ayaa u sahlaya macaamiisha bankiga inay Lacagaha ku jirta xitaabtooda isticmaalaan meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan.

Premier Bank ayaa sanadkii hore dalka keenay adeegga MasterCard oo ay iminka isticmaalaan dad badan oo ka mid ah macaamiisha bangiga.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

Next Post

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee xagga dib u heshiisiinta

Next Post
Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka  oo ku baaqay dardar galinta dhismaha maamulka g/dhexe

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee xagga dib u heshiisiinta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In