Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bangiga Premier ee Somalia, ayaa markii ugu Horreysay taariikhda keenay Somalia adeeegga kaararka ee VISA, taasoo la jaan-qaadaysa siyaasadda Bangiga ee ku saleysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee Casriga ah ee ay kaararku ka mid yihiin. Qaybta hore ee heshiiskan dhex-maray VISA & Premier Bank ayaa u Suuro-gelinaysa Macaamiisha haysta Card-ka Visa in ay ku Isticmaali karaan ATM-yada Premier Bank ee yaalla guud ahaan dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay in Bangiga Premier uu noqdo Macmiilkii ugu horreeyay ee adeeggeenna ka hirgeliya Somalia. Waxaana sii wadi doonaa inaan hormuud u ahaanno gacan-ka-geysashada dhisidda hay’ado maaliyadeed oo la isku halleyn karo, isla markaana fursad u siinaya qof kasta oo Somali ah. Waxaan rajeynayaa in wada-shaqaayntan Premier Bank ay dardar-geliso habka casriga ah ee lacag is weydaarsiga Somalia” ayuu Maamulaha Guud ee VISA ee Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika, Jabu Basopo.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay heshiiskaan, ATM-yada Premier Bank ayaa Macaamiisha wata kaararka VISA siinaya Adeegyada ay ka mid yihiin: lacag la bixidda iyo ogaanshaha haraaga xisaabaadkooda guud ahaan Soomaaliya.

Madaxa Premier Bank, Mahad Maxamed Axmed ayaa isna yiri: “Heshiiskan aan la galnay VISA wuxuu dar-dar-gelinayaa badashada isticmaalka hababka lacag-bixinta casriga ah ee Somalia iyo in ay Soomaali badan ku soo biiraan isticmaalka hababka Bangi ee Adduunka laga adegsado.”

“Premier Bank wuxuu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu shacabka Soomaaliyeed ugu keenayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, iyadoo bankigu horay u ahaa – bankigii ugu horereyay ee noociisa ah oo abid ka hir-geliya Somalia Adeegga karaka MasterCard,” ayuu mar kale yiri maamulaha Premier Bank.

Wuxuu mas’uulku intaas ku daray in Premier Bank Limited uu yahay mid Islaami ah oo ka haysta warqadda ruqsadda shaqo Bangig dhexe ee Somalia (License No. CBL2016-006), si uu u bixiyo adeegyo Bangi iyo kuwo maaliyadeed.

Maamulaha ayaa xusay in Bangiga uu hada bixiyo Adeegyo maaliyeed oo ay ka faa’iideys-taan dadweynaha, ganacsiyada yar-yar iyo waa-weyn ee gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha kala duwan.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay mas’uulkan in Bankigu uu hadda ku hawl-galo afar laamood oo ku yaala magaalada Muqdishu, taasna waxaa bar-bar socda qorshaha uu Bankigu laamo cusub uga furayo Muqdishu iyo magaalooyin kale ee Somalia.

Ugu dambeyn, Adeegyada kaararka ayaa u sahlaya macaamiisha bankiga inay Lacagaha ku jirta xitaabtooda isticmaalaan meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan.

Premier Bank ayaa sanadkii hore dalka keenay adeegga MasterCard oo ay iminka isticmaalaan dad badan oo ka mid ah macaamiisha bangiga.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

Next Post

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee xagga dib u heshiisiinta

Next Post
Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka  oo ku baaqay dardar galinta dhismaha maamulka g/dhexe

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee xagga dib u heshiisiinta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In