Shirka Barlamaanka Carabta oo ka soconaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa arrimaha looga hadlaayo kamid ah argigixisada iyadoo sidoo kale kulanka looga hadli doono wadamada Jaamacadda Carabta ee dhibaatooyinka ka jiraan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya isla markaana xubin ka ah Barlamaanka Jaamacadda Carabta oo hadda ku sugan magaalada Qaahir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka Barlamaanka Wadamada Carabta lagu doortay gudoonka Barlamaanka Jaamacadda Carabta.
DHEGEYSO CODKA PROF. DALXA