Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka iyo Shiishaddu waxay fududeeyaan qaadidda iyo faafidda cudurka COVID-19”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka iyo Shiishaddu waxay fududeeyaan qaadidda iyo faafidda cudurka COVID-19”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

31-ka May maalinta Caalamiga ah ee joojinta tubaakada &Sigaarka (world no Tobacco day), Iyadoo sanad walba maanta oo kale 31-ka May ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay mar kale bulshada kaga digayaan qatarta uu leeyahay iyo cudurada halista ah ee ka dhasha.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Waxaa uu sheegay Prof. Dufle in sanadkan heyadda caafimaadka Adduunka ee WHO ay diirada saartay Sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa ka qeyb qaadashada wax soo saarka tubaakada iyo nikotiinka “Protecting youth from industry manipulation and preventing them from tobacco and nicotine use” maadaama dhalinyaradu yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala.

“Maanta oo ay ku beegan tahay 31-ka May 2020 waa maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo khatarta uu leeyahay, tubaakada waxay u kala baxdaa noocyo badan sida: Sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, shiishada, Tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado, intaasoo dhanba waa khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in guud ahaan adduunyada cabista sigaarka lagu qiyaaso 1.1 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo u dhiganta (80%) ayuu sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo xusay in cabista sigaarka ragga uu ku badan yahay qiyaastii shan jeer haweenka.

“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah dadkaasna ay yihiin dadka aan cabin sigaarka sida tooska ah (”Second hand Smoke)” ayuu yiri dhaqtarku. Sidoo kale wuxuu Dhakhtarku xusay in sigaarka 4tii ilbiriqsiba uu qof u dhinto guud ahaan caalamka.

Prof. Dufle ayaa tilmaamay in sigaarka laga helo in ka badan 4,000 kun maaddo oo sun kiimiko ah, 250 ka mid ah maadooyinkaasna ay yihiin kuwa Qatar ku ah caafimaadka aadanaha, in ka badan 50 kalena ay dhalin karaan cudurka kansarka.

Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide & amooniyo) waxaa kaloo ku jira ayuu yiri dhaqtarku maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.

“Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmaalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay sii yaraan karto” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Prof. Dufle.

Dhaqtarka ayaa sheegay in cabista sigaarka uu sababo 25 cudur oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Sambabka sida cudurka Kansarka Sambabka 30-35 %. “Khatarta kale ee keeni karta kansarka sambabada waa qof ka agdhow meesha lagu cabayo sigaarka sida guriga iyo goobaha shaqada (Second-hand smoke) oo qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%” . Sanadkiina waxaa u dhimata kansarka sambabka guud ahaan caalamka 1.8 milyan oo qof ayuu yiri Prof-ku.

Wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka iyo neef-mareenka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema) iyo Chronic Bronchites.

Dhaqtarka wuxuu kaloo sheegay in cabista sigaarka uu sababo cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke).

Sidoo kale wuxuu sababaa Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la’aanta ragga iyo haweenka intaba.

Dakhtarka wuxuu kaloo sheegay in bukaanka cudurka Qaaxad qaba (TB) uu sigaarku sii xumeeyo hoosna u dhigo shaqadii sambabka una keena dhimasho ka timaada hawlgabka habdhiska neef-mareenka (Respiratory Failure).

“Sigaarku Wuxuu caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah uu u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Prof. Dufle oo sii hadlayey.

Waxaa intaa ku daray dhaqtarku in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay Dhalinyarada da’dooda ka yartahay 20-ka sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg deg ah.

“Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay” ayuu yiri dhaqtarka.

Prof. Dufle oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in cabista sigaarka ay waxyeelo u geysato aragga Indhaha, Maqalka, dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystaa ayuu yiri dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay ku dhowaad 30-kii sano ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xoog leh u kordheen tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay ayuu yiri dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn, haween iyo rag, kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

Mar uu ka hadlaayey sida Sigaarka iyo Shiishadu uga qeyb qaataan qaadida iyo faafida cudurka COVID-19 ee dhibaatada ku haya haatan caalamka ayuu Prof. Dufle sheegay in dadka isticmaala ay ka halis badan yihiin kuwa kale.

“Sigaarka iyo Shiishada waxay fududeeyaan qaadida iyo faafida COVID-19, Isticmaalka Sigaarka waxaa ka dhasha in gacmaha ay si joogto u gaaraan afka (Faruuryaha, Sanka) taasoo keeni karta in qofku uu si sahlan u qaado cudurka COVID-19, sidoo kale, Bacdamaa Sigaarka iyo Shiishada ay sababaan cudurada ku dhaca neef mareenka iyo wadnaha ee raagista yeesha sida aan kor ku xusnay waxay u nugleeyaan qofka inuu cudurka si sahlan u qaado, gaarsiiyana xaaladaha qatarta ah ee COVID 19 oo ah (Sivere %-15) (Critical %-5), waxaa sidoo kale xusid mudan in Shiishada ay si gaar ah uga qeyb qaadato faafida cudurka COVID-19, maadaama si wadar ah loo isticmaalo” ayuu yiri Prof. Dufle.

Ugu dambeyn Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada nooc kasta bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keeno.

W/D: Dr Cismaan Maxamuud Dufle

Previous Post

Maamul gobolka Hiiraan oo dib u dayactir ku sameeyay Buundooyinka Bur bursan ee Baladweyne “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Warbixin Guddoomiye Waaxeedkii Halgan ee Deyniile oo ay dishay xaaskiisa oo la aasay

Next Post
DAAWO: Warbixin Guddoomiye Waaxeedkii Halgan ee Deyniile oo ay dishay xaaskiisa oo la aasay

DAAWO: Warbixin Guddoomiye Waaxeedkii Halgan ee Deyniile oo ay dishay xaaskiisa oo la aasay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In