Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka adag kula jirtey kooxaha sharwadayaasha al-shabaab ee kusoo duuley Puntland kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa soo afjarmay maalinimadii shalay 20-March-2016-ka kooxdii Alshabaab ee degaankaasi soo gaadhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaarey kooxaha sharwadayaasha ah ee alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65, dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada  Puntland iyo kooxda lshabaab  kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kooxaha sharwadayaasha ah  ee shabaab waxa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga bakhtiyey 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ciidamada  Puntland waxaa uga dhintay 2 askari halka dhaawacuna uu ahaa 8 Askari, dagaalkaasi weli ma uusan dhammaan saaka 21-March-2016-ka ayuu dib u bilawday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashayna waxa lasoo xaqiijindoona marka dagaalka lasoo afmeero.

Wadarta  guud ee qasaarihii iyo Jabkii soo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab ee ka dagaallamayey deedaanada Suuj ee Garmaal iyo Dabakaran ee Garacad ayaa shalay oo keliya waxa uu gaadheya 100 dhimasho ah, 33 maxaabiis ah iyo 14 dhaawac nolol lagu qabtay ah, taasoo u dhiganta 147 qasaare nafeed ah iyo saanad millateri oo aad u tiro badan.

IMG_2577 IMG_2585 IMG_2591 IMG_2593 IMG_2594 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2607 IMG_2612 IMG_2619 IMG_2621 IMG_2631 IMG_2633 IMG_2642 IMG_2665 IMG_2688

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe+Sawirro

Next Post

Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe”SAWIRRO”

Next Post
Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe”SAWIRRO”

Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe"SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In