Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka adag kula jirtey kooxaha sharwadayaasha al-shabaab ee kusoo duuley Puntland kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa soo afjarmay maalinimadii shalay 20-March-2016-ka kooxdii Alshabaab ee degaankaasi soo gaadhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaarey kooxaha sharwadayaasha ah ee alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65, dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada  Puntland iyo kooxda lshabaab  kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kooxaha sharwadayaasha ah  ee shabaab waxa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga bakhtiyey 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ciidamada  Puntland waxaa uga dhintay 2 askari halka dhaawacuna uu ahaa 8 Askari, dagaalkaasi weli ma uusan dhammaan saaka 21-March-2016-ka ayuu dib u bilawday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashayna waxa lasoo xaqiijindoona marka dagaalka lasoo afmeero.

Wadarta  guud ee qasaarihii iyo Jabkii soo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab ee ka dagaallamayey deedaanada Suuj ee Garmaal iyo Dabakaran ee Garacad ayaa shalay oo keliya waxa uu gaadheya 100 dhimasho ah, 33 maxaabiis ah iyo 14 dhaawac nolol lagu qabtay ah, taasoo u dhiganta 147 qasaare nafeed ah iyo saanad millateri oo aad u tiro badan.

IMG_2577 IMG_2585 IMG_2591 IMG_2593 IMG_2594 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2607 IMG_2612 IMG_2619 IMG_2621 IMG_2631 IMG_2633 IMG_2642 IMG_2665 IMG_2688

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe+Sawirro

Next Post

Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe”SAWIRRO”

Next Post
Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe”SAWIRRO”

Ciidamada Puntland oo 35 maxbuus oo Al-shabaab ah ku wareejiyay Caawa xabsiga weyne ee Garoowe"SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In