Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowladgoboleedka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta 21-March-2016 dalka dib ugu soo laabtay siweyna loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Soo dhoweyenta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne kuxigeena Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, kuxigeenkiisa labaad, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, urarada haweenka, saraakiisha ciidamada iyo bulshada qaaybaheeda kala duwan.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026

Madaxweyne Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho ku tageen Cusbitalka weyne ee magaalada Garoowe halkaas oo ay ku sugnaayeen dhaawacyo kamid ah ciidamada difaaca Puntland ee kusoo dhaawacmay dagaalkii lagaga sifaynayey kooxihii sharwadayaasha ahaa ee Puntland kusoo duuley iyo dad shacab ah oo ay sharwadayaashu waxyeellee-yeen iyagoo kusugan guryohoodii, dadkaas oo ay kujirto hooyo da’deeda lagu qiyaasay 80sanno oo ay dhaawacyo gaadhsiiyeen kooxda alshababaab iyadoo hoygeedii joogta.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe waxaana uu kawar bixiyey safarkiisii shaqo ee uu ugu maqnaa dalka dibadda iyo duullaankii ay kooxaha shar wadayaasha alshabaab kusoo qaadeen goobo  kamid ah deegaan xeebeedyada cariga Puntland.

Ugu horrayn, Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa soo jeediyey kelmedo soodhoweyn ah waxaana uu Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladdii ugu dambeysey ee dalka iyo sidii ciidamada aan gabbashada aqoon ee Puntland ay cagta umariyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa kusoo duuleey Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland meelkastoo ay joogaan uga mahadceliyey  midnimadii iyo isku duubnidii ay u muujiyey cadowgii kusoo duuley dalkooda iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagnaayeen ciidamadooda geesi-yaasha ah ee difaacayey Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

“waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan, midnimadii ay muujiyeen, wadajirkii ay muujiyeen, si’ay meel ugaga soo wadajeestaan cadowgaa kusoo duuley dhulkoodii iyo diintoodii.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa iyaguna ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee u istaagey in ay difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda cadowgoodana cashar lama illaawaan ah siiyeen, ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu jannadii kawaraabiyo intii shihiidey iyagoo dalkooda difaacaya, inta dhaawaca ahna in ilaahay u booga dhayo.

Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa haweenka reer Puntland ee Sabaayadda dubayey, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhallinyarada reer Puntland ee dhiiggooda shubayey, waxaan aad u bogaadinayaa odayaasha reer Puntland ee marwalba dhiirri gelinta iyo hanuuninta lagarab taagna ciidankooda” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay Mid keliya iskagana filan tahay sharwadayaasha shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay wax u dhinto xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland isla markaana aanay u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka hawl gala Puntland.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu u sheegay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaaybteeda wax kasta oo lagu bixinayo magaca Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgeliyada Soomaaliya.

“Waxan rabaa Beesha caalamka inaan u sheego inay Puntland xaq uleedahay inay hesho qaybteeda wixii Soomaaliya loogu talo galay oo ahaa dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo magaca Soomaaliya, taas oo loogu tala galay nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha  Puntland ayaa u mahaceliyey guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu kulamada kula soo qaatay Qaaradda Ameerika sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay inay kaqayb qaataan difaaca Puntland.

DSC_2598 DSC_2611 DSC_2671 DSC_2681 DSC_2707 DSC_2753

Previous Post

Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabay Danjirayaal

Next Post

Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”

Next Post
Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi”Sawirro”

Puntland oo soo bandhigtay qasaaraha ay u gaysteen Al-shabaabkii ku soo duulay deegaanada maamulkaasi"Sawirro"

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

August 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah...

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa hirgelinaya isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Xafiisku wuxuu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In