Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland Oo Soo Celisay Xoolo Dhawaan laga Dhacay Xoola Dhaqatada Galmudug

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Puntland Oo Soo Celisay Xoolo Dhawaan laga  Dhacay Xoola  Dhaqatada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Amniga Puntland ayaa ku guuleystay soo celinta xoolo ay dhaceen reer guuraa kasoo jeeda Puntland kuna soo wareejiyay reer guuraagii iska lahaa oo kasoo jeeday Galmudug

Taliye xigeenka qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo masuuliyiin kale ayaa 21 Neef oo geel ah oo ay dhaceen reer guuraa kasoo jeeda Puntland oo, iyaguna geel ka maqanyahay ku wareejiyay reer guuraagii lahaa oo kasoo jeeday dhinaca Galmudug.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Munaasabada lagu wareejiyay 21 Neef ee geela ah oo gacanta ugu jiray reer guuraaga Puntland ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha iyo guddoomiye xigeenka dagmada Jariiban, Taliyaha Booliska Degmada xildhibaano, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay xoola dhaqatada Puntland iyo Galmudug si nabad ah ku wada daganaayeen dhul daaqsimeedka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kalana Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka mudug ee Galmudug Gashaanle dhaxe Cali Muuse Maxamuud iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xasilinta Booliiska gobalka mudug ee wadaaga u ah labada dowlad gobaleed kabtan Cabdifitaax Cali Dabaadi, ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in eey ku daba jiraan geel laga soo dhacay xoolo dhaqato kasoo jeeda puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay dadka xoola dhaqata ah inay isku dhimriyaan kana shaqeeyaan nabada,oo ayna isku ixtiramaan daaqa.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS Oo Casho Sharaf U Sameeyay Madax Warbaahinta 

Next Post

Guddiga Khayraadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda kalluumeysiga 

Next Post
Guddiga Khayraadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda kalluumeysiga 

Guddiga Khayraadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Mas'uuliyiinta Wasaaradda kalluumeysiga 

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In