Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Markii laga soo tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay, lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.
Toogashadaan ayaa saakay ka kala dhacday magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana xusid mudan in Puntland ay hadda ka hor sidaan oo kale u toogatay 18 xubnood oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo hal maalin fagaaraha Gaalkacyo lagu toogtay.