Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boosaaso: 7 ruux oo lagu riday xukun dil ah “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Boosaaso: 7 ruux oo lagu riday xukun dil ah “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

dil-tig

Maxkamada dembiyada culus ee Gobolada Bari iyo Sanaag ayaa u fariisatay dacwad ciqaabeed ka dhagana todobo rag oo la aaminsanyahay iney ka dambeeyen dilal loo geystay Taliye ku-xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Puntland Gaashaanle Dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi, Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye iyo Agaasimihii Madaxtooyada Bosaaso Aadan Gaas Huruuse,

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Dhalinyarada oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhamaan waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana da’dooda u dhaxeysaa 17-sano jir illaa 32 jir, iyadoo in muddo ah ku xirnaayeen Xabsi ku yaalla Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolada Bari iyo Sanaag Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadu ku ridey ee dilka ah, waxaana uu intaa ku daray in xakunka uu u furanyahay racfaan muddo 30 cisho gudahood ah.

Dhalinyarada  xukunka lagu riday waxay kala yihiin:

Nuuradiin Axmed Samatar Deerow (22 sano jir)

Ayuub Yaasin Cabdi (32 sano jir )

Cali Ismaaciil Cali (Cali gaab) (20 sano jir )

Xasan Aadan Xasan Maxamud (Gaalkacow ) (22 sano jir )

Cabdixakiin Maxamed Aways (24 sano jir )

Maxamed Yaasin Cabdi Maxamuud (17 sano jir )

Daa’uud Saciid Sahal Xasan (Labo suule)  (18 sano jir )

Halkan ka dhageyso sida uu xukunka u dhacay

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/02/codka-maxkamada-dilka.mp3

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In