Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaabka loo tebiyo Warka Kufsiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Qaabka loo tebiyo Warka Kufsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kufsi waxaa uu ka mid yahay dembiyada cul-culus ee Saxaafaddu ay tahay in ay aad uga fiirsato qaabka ay u tebineyso.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo muddo ku shaqeynayay howsha Saxaafadda ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu uga waramayo Tabta Tebinta Kufsiga, waxaana uu aad uga faallooday qaabkii loo baahiyay waxa uuna qoraalkiisa ku yiri “Maalmahaan waxay saxaafadda Soomaalida oo ay ku jirto midda bulshadu aad uga hadashay Kufsi ka dhacay Mudug oo kiciyay dareenka dad badan oo samaha jecel. Aniga waxaa ii dheeraa in aan si gooni ah ugu dhug lahaa sida loo tebinayay warka”.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

“Waxaan weriyayaasha iyo qorayaasha saxaafadda bulshada la wadaagayaa khibrad ku saabsan sida looga warramo kufsi”, ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Khibrad, aqoon guud iyo mid qaanuun in lala kaashado ka sokow, Saxaafadda tebineysa kufsi waxaa habboon in Tifatiraha ugu sarreeyaa uu ka warhayo habka loo dhigayo warka, mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee go’aanka tebintana uu isagu qaataa.

Suxufi Yuusuf Garaad waxaa kaloo qormadiisa ku xusay “Xeerarka Saxaafadda ee aan muddo dheer ku soo shaqeeyay, in bandanna aan tababbar uga bixiyay London iyo caasimado badan oo Afrika ahi waxay qabaan in haddii uu dhaco kufsi oo ah faldembiyeed aad u culus aan la sheegin magaca dhibbanaha” ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Dalalka qaarkood sida UK wuxuu sharcigu qabaa in aan abid la soo hadal qaadin magaca dhibbanaha kufsi iyo xataa in aan la sheegin tilmaan lagu garan karo qofka la kufsaday, waxaa kaloo arrintasasi qaba Garsoorka marka dacwadda la qaadayo aan laga sheegin goobta, marka Saxaafaddu ha iska ilaaliso ama ha dhowrto qaabka tebinta ama faafinta Wararka noocasi oo kale ah.

Qaabka ay Warbaahintu u tabisay Wararkii ku saabsanaa Kufsi loo geystay Gabar Soomaaliyeed oo ku dhaqan Gobolka Mudug ayaan aheyn mid loo faafiyay qaabka loo faafiyo Wararka ku saabsan Kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto hablaha, waayo qofka loo geystay Gabood Falkaasi ayaa waxaa loo baahiyay qaab wax u dhimaya sumcadda iyo sharafta Qofka loo geystay, iyadoo magacii iyo Sawirradii qofkaasi oo lagu baahiyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Baraha Bulshada, waana dambi laga galay Ruuxaasi.

Warbaahintu waa inay bartaan qaabka loo baahiyo Wararka ku saabsan Gabood Fallada, haddii kale waxay mar kale dambi ka galayaan qofkii dhibanaha ahaa.

Previous Post

Mareykanka oo laga musaafurinayo muhaajiriinta diiwaanka buugga madaw lagu qoray

Next Post

Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Next Post
Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In