Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaabka loo tebiyo Warka Kufsiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Qaabka loo tebiyo Warka Kufsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kufsi waxaa uu ka mid yahay dembiyada cul-culus ee Saxaafaddu ay tahay in ay aad uga fiirsato qaabka ay u tebineyso.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo muddo ku shaqeynayay howsha Saxaafadda ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu uga waramayo Tabta Tebinta Kufsiga, waxaana uu aad uga faallooday qaabkii loo baahiyay waxa uuna qoraalkiisa ku yiri “Maalmahaan waxay saxaafadda Soomaalida oo ay ku jirto midda bulshadu aad uga hadashay Kufsi ka dhacay Mudug oo kiciyay dareenka dad badan oo samaha jecel. Aniga waxaa ii dheeraa in aan si gooni ah ugu dhug lahaa sida loo tebinayay warka”.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxaan weriyayaasha iyo qorayaasha saxaafadda bulshada la wadaagayaa khibrad ku saabsan sida looga warramo kufsi”, ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Khibrad, aqoon guud iyo mid qaanuun in lala kaashado ka sokow, Saxaafadda tebineysa kufsi waxaa habboon in Tifatiraha ugu sarreeyaa uu ka warhayo habka loo dhigayo warka, mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee go’aanka tebintana uu isagu qaataa.

Suxufi Yuusuf Garaad waxaa kaloo qormadiisa ku xusay “Xeerarka Saxaafadda ee aan muddo dheer ku soo shaqeeyay, in bandanna aan tababbar uga bixiyay London iyo caasimado badan oo Afrika ahi waxay qabaan in haddii uu dhaco kufsi oo ah faldembiyeed aad u culus aan la sheegin magaca dhibbanaha” ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Dalalka qaarkood sida UK wuxuu sharcigu qabaa in aan abid la soo hadal qaadin magaca dhibbanaha kufsi iyo xataa in aan la sheegin tilmaan lagu garan karo qofka la kufsaday, waxaa kaloo arrintasasi qaba Garsoorka marka dacwadda la qaadayo aan laga sheegin goobta, marka Saxaafaddu ha iska ilaaliso ama ha dhowrto qaabka tebinta ama faafinta Wararka noocasi oo kale ah.

Qaabka ay Warbaahintu u tabisay Wararkii ku saabsanaa Kufsi loo geystay Gabar Soomaaliyeed oo ku dhaqan Gobolka Mudug ayaan aheyn mid loo faafiyay qaabka loo faafiyo Wararka ku saabsan Kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto hablaha, waayo qofka loo geystay Gabood Falkaasi ayaa waxaa loo baahiyay qaab wax u dhimaya sumcadda iyo sharafta Qofka loo geystay, iyadoo magacii iyo Sawirradii qofkaasi oo lagu baahiyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Baraha Bulshada, waana dambi laga galay Ruuxaasi.

Warbaahintu waa inay bartaan qaabka loo baahiyo Wararka ku saabsan Gabood Fallada, haddii kale waxay mar kale dambi ka galayaan qofkii dhibanaha ahaa.

Previous Post

Mareykanka oo laga musaafurinayo muhaajiriinta diiwaanka buugga madaw lagu qoray

Next Post

Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Next Post
Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In