Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Qaadku waa Aafo Qaran! W/Q Dr. Maxamed Isaaq Mursal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Qaadku waa Aafo Qaran! W/Q Dr. Maxamed Isaaq Mursal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaadku, waa qasaaraha dhaqaalaha qoyska, Qaranka iyo caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhallinyaradii horumarka u noqon lahayd dhismaha dalka iyo daafaca dadka iyo diinta.

Culimada diinta islaamka iyo kuwa caafimaadka, waxay isku wada raacsan yihiin in uu wax yeello caafimaad leeyahay isticmaalka qaadka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

sidaa darteed, diinta islaamka waxay xarimeysaa isticmaalkiisa iyo ka ganacsigiisa.
warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray maalintii dhimirka ee 10ka October 2015, waxaa lagu caddeeyay in dadka xannuunka dhimirka qaba ee soomaaliya uu sii kordhayo, uuna u badan yahay waxyaabaha laga qaado cudurka dhimirka uu yahay isticmaalka qaadka, oo dhallinyaradu aad u isticmaalaan maalin kasta, iyagoo uu uga qiimo badan yahay cuntada kale.

Dowladaha uu u baxo qaadku dadkoodu ma cunaan, waxayna u soo dhoofiyaan dalkeena, iyagoo nooga doorsanaya lacag adag oo fara badan, si dadkooda ay ugu adeegaan.

Waxaan la soconnaa, in dalka Ingriiska oo aan ahayn dad islaam ah laga mamnuucay qaadka, ka dib markii ay u caddaatay in uu waxyeello u leeyahay bulshada Ingriiska.

Haddaba, ma haboon tahay annagoo islaam ah inaan xalaashanno wax caafimaadka bulshadeenna waxyeelleynaya, isla markaana dhaqaalaha qoyska soomaaliyeed burburinaya.

Arrintani, waxaa mas’uuliyad gaar a ka saran tahay, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda inay kala doortaan caafimaadka bulshada iyo daqliga canshuurta ka soo galeysa ganacsiga qaadka.

Dhinaca kale, ganacsatada soomaaliyeed ee soo dejisa qaadka iyo kuwa ka sii ganacsada haddii ay yihiin kuwa Alle ka baqaya, waxaan u soo jeedineynaa inaysan dadka u soo dhoofin wax caafimaadka bulshada wax yeeleynaya oo Aakhiradooda yey ku iibsan maal adduunyo oo laga dhimanayo, iyadoo lacagta ka soo gashaa qaadka saddaqo gelin xajna laga aadi Karin haba yaraatee, xataa haddii lacag kale lagu daro.

Weydiiya culimada diinta iyo kuwa caafimaadka, waxyeellada qaadka u leeyahay caafimaadka bulshada, oo qaar badan hadda lagu hayo xarumo lagula tacaalayo, qaar kalena daryeel la’aan ku haysato guryaha iyo daafaha magaalada oo qoyskoodina la dhibaateysan yahay.

Haddaba, qaadku waa aanfada qaranka soomaaliyeed ee ha laga qabto intay goori goor tahay, annagoo u naxeyna dadkeenna oo aan fiirineyn dakhliga naga soo gala oo keli ah, waana in aan isbarbar dhigno maxaa faa’iido ah ee uu u leeyahay bulshada, maxaase khasaaro ah ee uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed.

Ilaahoow naga qabo qaadku waa aanfo qarane.

W/Q: Dr: Maxamed Isaaq Mursal.

XIGASHO: Wargeyska Dalka

 

Previous Post

DAAWO Yuusuf Garaad iyo Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka hadlay taariikhda Wariye Cawke

Next Post

Ciidammada ammaanka oo toogtay Nin Haweeneey ku dilay Suuqa Bakaaraha-DHAGAYSO

Next Post
Wadada dhexmarta Suuqa Bakaraaha oo laami la saarayo (Sawirro)

Ciidammada ammaanka oo toogtay Nin Haweeneey ku dilay Suuqa Bakaaraha-DHAGAYSO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In