Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Qaadku waa Aafo Qaran! W/Q Dr. Maxamed Isaaq Mursal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Qaadku waa Aafo Qaran! W/Q Dr. Maxamed Isaaq Mursal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaadku, waa qasaaraha dhaqaalaha qoyska, Qaranka iyo caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhallinyaradii horumarka u noqon lahayd dhismaha dalka iyo daafaca dadka iyo diinta.

Culimada diinta islaamka iyo kuwa caafimaadka, waxay isku wada raacsan yihiin in uu wax yeello caafimaad leeyahay isticmaalka qaadka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

sidaa darteed, diinta islaamka waxay xarimeysaa isticmaalkiisa iyo ka ganacsigiisa.
warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray maalintii dhimirka ee 10ka October 2015, waxaa lagu caddeeyay in dadka xannuunka dhimirka qaba ee soomaaliya uu sii kordhayo, uuna u badan yahay waxyaabaha laga qaado cudurka dhimirka uu yahay isticmaalka qaadka, oo dhallinyaradu aad u isticmaalaan maalin kasta, iyagoo uu uga qiimo badan yahay cuntada kale.

Dowladaha uu u baxo qaadku dadkoodu ma cunaan, waxayna u soo dhoofiyaan dalkeena, iyagoo nooga doorsanaya lacag adag oo fara badan, si dadkooda ay ugu adeegaan.

Waxaan la soconnaa, in dalka Ingriiska oo aan ahayn dad islaam ah laga mamnuucay qaadka, ka dib markii ay u caddaatay in uu waxyeello u leeyahay bulshada Ingriiska.

Haddaba, ma haboon tahay annagoo islaam ah inaan xalaashanno wax caafimaadka bulshadeenna waxyeelleynaya, isla markaana dhaqaalaha qoyska soomaaliyeed burburinaya.

Arrintani, waxaa mas’uuliyad gaar a ka saran tahay, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda inay kala doortaan caafimaadka bulshada iyo daqliga canshuurta ka soo galeysa ganacsiga qaadka.

Dhinaca kale, ganacsatada soomaaliyeed ee soo dejisa qaadka iyo kuwa ka sii ganacsada haddii ay yihiin kuwa Alle ka baqaya, waxaan u soo jeedineynaa inaysan dadka u soo dhoofin wax caafimaadka bulshada wax yeeleynaya oo Aakhiradooda yey ku iibsan maal adduunyo oo laga dhimanayo, iyadoo lacagta ka soo gashaa qaadka saddaqo gelin xajna laga aadi Karin haba yaraatee, xataa haddii lacag kale lagu daro.

Weydiiya culimada diinta iyo kuwa caafimaadka, waxyeellada qaadka u leeyahay caafimaadka bulshada, oo qaar badan hadda lagu hayo xarumo lagula tacaalayo, qaar kalena daryeel la’aan ku haysato guryaha iyo daafaha magaalada oo qoyskoodina la dhibaateysan yahay.

Haddaba, qaadku waa aanfada qaranka soomaaliyeed ee ha laga qabto intay goori goor tahay, annagoo u naxeyna dadkeenna oo aan fiirineyn dakhliga naga soo gala oo keli ah, waana in aan isbarbar dhigno maxaa faa’iido ah ee uu u leeyahay bulshada, maxaase khasaaro ah ee uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed.

Ilaahoow naga qabo qaadku waa aanfo qarane.

W/Q: Dr: Maxamed Isaaq Mursal.

XIGASHO: Wargeyska Dalka

 

Previous Post

DAAWO Yuusuf Garaad iyo Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka hadlay taariikhda Wariye Cawke

Next Post

Ciidammada ammaanka oo toogtay Nin Haweeneey ku dilay Suuqa Bakaaraha-DHAGAYSO

Next Post
Wadada dhexmarta Suuqa Bakaraaha oo laami la saarayo (Sawirro)

Ciidammada ammaanka oo toogtay Nin Haweeneey ku dilay Suuqa Bakaaraha-DHAGAYSO

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee kuraasta ay kala heleen 20-ka urur...

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaannada Gendershe iyo...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

December 30, 2025
0

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kuwa doonaya inay ku xadgudbaan madax-banaanideena nagama hor istaagi karaan inaan ka faa’iideysano kheyraadkeena, dadka Soomaaliyeed waxaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In