Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Limpopo ee dhaca xadka wadanka South Africa uu la leeyahay Zimbabwe ayaa walaac xoogan ka muujiyay warqado digniin ah oo kasoo baxay schoolada dowlada South Africa ay ku leedahay gobolkaasi kuwaa oo ku saabsanaa in caruurta aan heysan passport ama ID South Africaan ama midka dalka ay  u dhasheen laga saari doono goobaha waxbarashada mudada saddaxda bilood ah ee soo socota.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi Daahir Xasan Hilowle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ku dhawaad boqol caruur Soomaali ah ay dhici karto in schoolada laga saaro saddaxda bilood ee socota hadii aysan waalidiintooda buuxin sharuudahaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

“Arintaan runtii waxaa ay nagu noqotay caqabad weyn ilaa 100 arday oo soomaali ah ayaa laga yaaba in ay saameyn ku yeelato kuwaa oo dhigta schoolada ku yaala gobolkaan Limpopo”

Najmo Xasan waa ardayad dhigta dugsiga Sare ee gobolkaasi waxaa ay warbaahinta qaranka u sheegtay dareenkeeda markii fasalkii ay fadhisay laga soo dhax saaray loona sheegay in laga doonayo warqadahaasi hadii kale schoolka aysan imaan doonin.

“Waxaan dareemay in aan ruux kale ahay waxaan isku heystay qof South Africaan ah Maadaama halkaan ku dhashay balse aniga ma istaagin meel aan raacana waan waayay lakiin waa la i soo saarayaa hadii magac yada la aqriyo”

Yusra Maxamed iyo Hooyo Xaawo oo ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee gobolkaasi ku nool ayaa dhankooda walaac ka muujiyay arintaani.

“Waxaa ay nagu noqotay naxdin iyo amagaag in caruurteena schoolka laga soo saara la dhaho maxaa yeelay maba heysano wax kale oo aan adeegsano hada”

“Warqado Qaxooti ah ayaa dalkaan ku joognaa lakiin hadii hada nala dhaho passport la imaada waa dhib kale oo ay wajahi doonaan waalidiinta “

Gudoomiyaha Guddiga midnimo 2 ee Soomaalida South Africa Dr Maxamed C/laahi Ayaa warbaahinta u sheegay in ay la kulmeen hey’ada UNHCR isla markaana ay kala hadleen walaaca ay qabana Soomaalida waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in cabashadooda loo gudbiyo wasaarada waxbarashada South Africa.

“Waxaan la kulany Hey’ada UNHCR waxaan u gudbinay warqadii nala soo diray iyo cabashadeena anaga oo sido kale u sheegay walaaca ay qabaan jaaliyada waxaana ay noo balan qaadeen in ay wax naga la qaban doonaan arintaan”

Markii ay kasoo laabteen kulankaasi gaarigii ay wateen uu kala baxay wadada isla markaana uu ka dhacay dhacay buundo weyn balse alle uu badbaadiyay mana jiraan wax qasaare naf ah oo gaaray marka laga reebo gaarigii ay wateen oo intiisa badan bur buray.

Previous Post

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain

Next Post

Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Next Post
Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In