Ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha ayaa siminaar lagu baranayo horumarinta wax soo saarka dalagyada beeraha habka beerashada iyo keydinta dalagyada oo soconayay muddo saddex maalin ah ugu soo xiray Muqdisho 60 qof oo ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose
Munaasabad lagu soo xirayay siminaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha, qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose, agaasimaha guud ee wasaarada Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale
Mursal Muqtaar Xaaji Caliyow iyo Yusuf Axmed Cabdulle oo ka mid ah beeraleyda ka faa iideysatay muddadii uu socday siminarka ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay kororsadeen.
Guddoomiyaha iskaashatada Qaranka Beeraha Muuse Xaashi Baraale ayaa ka hadlay qiimaha uu u leeyahay siminaarkan beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo kula dardaarmay dadka ka faa’iideystay in ay ugu faa’iideeyaan waxa ay ka barteen bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud oo soo xiray siminaarka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Beeraha ay qeyb weyn ka qaadaneyso horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed.
“Ka Wasaarad ahaan waxaan garab taaganahay in aan horumarino Beeraleyda Soomaaliyeed , beeruhu waa horumarka dal kasta, beeraleyda waxaan kula talinayaa in ay horumariyaan wax soo saarka beerahooda si loo gaaro horumar”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha.
Mudooyinka ayaa Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha oo kaashaneya Wasaaradda Beeraha waxa ay wadeen dadaallo lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha.