Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Hotel Central oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfurgalbeed iyo Jubba oo caasimadda ku soo fool leh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa saaka caafimaad dibadda ah u qaadey qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaareen qaraxyadii dhawaan Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ay ka geesteen Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ibraahim Guudle Isaaq oo ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caafimaad dibadda ah loo qaaday tiro ka mid ah dhaawacyadii dhawaan ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Hotel Central ee degmada Xamar weyne.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in tirada dhaawacyada dalka dibadiisa loo qaadayo ay gaarayaan ilaa iyo 13, kuwaasi oo ay sheegtay in la geynayo xarumo caafimaad oo ku yaalla dalka Isugtaga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in codsiyo ay u gudbisteen dalal kale si adeegyo caafimaad oo dibadda ah loogu qaado tiro kale oo caafimaad dibadda ah u baahan.

Ilaa iyo labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu qaaday dhaawacya gudaha dalka wax looga qaban waayay.

Previous Post

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo shir uga furmaya Istanbul

Next Post

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In