Sunday, June 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhashay xasuuqii Zoobe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 16, 2017
in Wararka
0
Qaar ka mid ah dhacdooyinka  xanuunka badan ee ka dhashay xasuuqii Zoobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee laga dhexlay weerarkii argagixiso ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee KM5, halkaasi oo ay ku xasuuqeen dad aad u fara badan ayna weli jiraan kuwa weli la la’yahay Nolol iyo Geeri halka ay ku dambeeyaan.

 

1- “Bashiir Cumar iyo Maryan Cumar  garab i caawiyo ayey ii ahaayeen”

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Muqdisho (SONNA) Aabe Cumar Xaaji  Maxamed waxa uu Mehrad yar oo lagu iibiyo Bagaashka ku lahaa Isgooska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, Sagaal Caruur ah oo shan kamid ah ay Gabdho yihiin ayuu dhalay, Caruurtiisa kuwa waaweyn Wax ayey bartaan Dugsi sare iyo Jaamacado ayey  kala dhigtaan, kuwa yaryar ka ahna Qur’aanka ayey bartaan,  Nolosha Qoyskiisa iyo Kharashka Waxbarashada Caruurtiisa waxa uu ka dabari jiray Mehrada yar, Labo kamid ah caruurtiisa kuwa  ugu weyn oo Wiil iyo Gabar ah  ayuu ku waayey Qaraxii ka dhacay Maalin kahor Magaaladda Muqdisho, Dukaankii noloshooda ay ku tiirsaneydna gabi ahaanba wuu burburay.

Cumar Xaaji oo Lixaadkiisu uusan dhameystirneyn ayaa lagu wadaa Baaskiilka cuuriyaamiinta, isagoo inoo sheegay in Meydka caruurtiisa uusan helin, ayna ahaayeen kuwa markii ay kasoo baxaan Waxbarashada ka badala Dukaanka, si uu u nasto.

Waxa uu sheegay in Wiilkiisa Bashiir Cumar Xaaji uu dhigan jiray Iskuulka al Mazal ee Magaaladda Muqdisho, uuna u socday  Imtixaanka dhexe ee Sanadka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa wiil aad u caawin jiray oo u dhago fufud, badanaana ka badali jiray iibinta Mehrada.

Wiilka Gabadha la dhimatay oo lagu Magacaabo Maryan Cumar Xaaji, ayuu sheegay in markii ay Iskuul la yiraahdo ALBILAAD oo ay dhigan jirtay  kasoo baxdo ay Caano ku gadi jirtay Mehradiisa horteeda, si ay u kaabto Biilka qoyska oo aad  danyar u ahaa.

Aabe Cumar Xaaji Maxamed oo Wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ilmahiisa badankood ay yihiin Naafo lixaadkooda aan u dhameyn, waxaana uu xusay in Wiilka iyo Gabadha uu dhalay ee uga dhimatay Qaraxii Zoobe ay kamid ahaayeen Caruurtiisa kuwa Lixaadkooda uu dhameystiran yahay ee aan Naafadda aheyn, Garab caawinaad u ahaa ayuuna carabka ku dhuftay in ay u ahaayeen.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ugu dambeyn Dhibane aabe Cumar Xaaji, ka codsaday in ay caawiyaan, ayna dib ugu abuuraan Ganacsi  oo uu nolol maalmeedkiisa ka raadsado, maadaama Mehradiisii yareyd ay ku burburtay Qaraxii Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay.

2 “WAXAY II BALLAN QAADAY IN AY ISOO WACEYSO!”

Dhacdooyinka kale ee Xanuunka badan ee uu reebay Qaraxii argagixisinimo ee ka dhacay Sabtii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Isgooyska Zoobe waxaa kamid ah Marxuumad Maryan Cabdullaahi Xuseen oo kamid aheyd dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Maryan waxay aheyd Arday bartay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir,  qalin jabinteeda ayey  isku diyaarineysay, Balse masuurta galin!

Markii Jaamacadda ay u dhamaatay, Waxaa Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska kasoo ambabaxay oo Magaaladda Muqdisho kusoo wajahnaa Maryan aabaheed oo doonayey in uu ka qeyb galo Xafladda Qalin jabinteeda, si farxadda uu ula qeybsado, arrintaasi ma noqon mid rumoowda, Xaqiiqdiina waxay noqotay in uu kasoo  qeyb galo duugteeda ama aaskeeda.

Riyadiisa waxaa beeniyey Maleeshiyada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo Qarax weyn si  arxan darro wax ka yar  Hal daqiiqo ugu Xusuuqay gabadhiisa iyo Dad kale oo aad u badan oo kor u dhaafaya 200 oo qof, kuwaasi oo  Alle ha u Naxariistee aahaa kuwa aan waxba galabsan.

Anfac Cabdullaahi Xuseen  oo ay wada dhasheyn Maryan oo aan la hadlay  ayaa sheegtay in qoyskooda uu aad uga naxay Geerida Alle ha u naxariistee  Dr  Maryan oo ka shaqeeneysay Isbitaalka Banaadir ee Magaaladda Muqdisho.

“Qoyskeyga aad ayuu uga naxay, gaar ahaan aabbaheen oo ka soo safray London si uu uga qeybgalo qalinjabinteeda, balse hadda wuxuu ka qeybgalayaa aaskeeda”

“Waxay ka shaqeeyneysay Isbitaalka Banaadir , Qaraxa inta uusan dhicin waxyar  20 Daqiiqo kahor ayaa la hadlay, waxa ay ii sheegtay in ay sugeyso Feelal Isbitaalka yaallay, waxay ii ballan qaaday in ay i soo wici doonto” sidaas Anfac ayaa tiri.

Dhacdooyinkii ka dhashay Qaraxii 14 kii Bishaan Gelinkii dambe ee Maalintii sabtida aheyd  Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab ay ka geysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, ayaa noqday kuwa reebay Saameyn aad u xoog badan oo qalbiyada Ummadda Soomaaliyeed aan ka bixi doonin, waxaana Xasuuqan uu muujinayaa in Argagixisada ay usopo jeesatay dil wadareedka Shacabka aan waxba galabsan.

INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhacdooyin kale oo murugo leh oo ka dhashay Qaraxii Zoobe dhowaan kala soco Radiomuqdisho.net

W/Q:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

Next Post

Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Next Post
Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi "SAWIRRO"

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In