Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Cadaaladda, Warfaafinta, Ganacsiga, Shaqada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta booqday isbitaalka Baydhabo oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG Koonfur Galbeed.

Wasiirada ayaa waxa ay mid mid u xog wareysteen dadka dhaawacyadu soo gaareen, si ay u qiimeeyaan xaaladahooda iyo nabarada soo gaaray inta ay gaarsiisantahay.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Sidoo kale waxay warbixino ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo iyo Saraakiisha Caafimaadka, waxayna ka dalbadeen in deg-deg loogu soo gudbiyo hadii ay jiraan dhaawacyo Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin magaalada Baydhabo.

Ugu danbeyntii Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ku hadlay Afka Xukuumada iyo kan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Baydhabo, isagoo caafimaad u rajeeyay intii dhaawacantay.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda waxaa qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ku dhimatay 4 ruux, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 9 qof.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In