Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mida haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka oo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii doorashadda “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qaar ka mida haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka oo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii doorashadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan maanta Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada haweenka ah ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayey ka soo saareen baaq ku aadan xoojinta xasiloonida siyaasadeed ee dalka, ayagoo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku adkeeyay dhaqan gelinta heshiiskii doorashada 17 September, 2020.

Xildhibaanada  ayaa soo saaray war saxaafadeed ka kooban ilaa todobo qodob, oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaalinta xasiloonida dalka gaar ahaan xilliga doorashada, ilaalinta qoonddada dumarka 30% iyo meel marinta heshiiska doorashada isla maraana laga baaqsado wax kasta oo keeni karo fowdo iyo kalsooni daro.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Sahro Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ka tirsan golaha shacabka ayaa bayaanka xildhibaanada ay soo saareen u akhrisay saxaafadda, iyadoo carrabka ku adkeysay ahmiyadda ay dalka u leedahay qabsoomidda doorashada loo dhan yahay.

Haweenka xildhibaanada ah ayaa sheegay in ay taageereyaan qof kasta oo ka shaqeynaya isu soo dhoweynta aragtida kala duwan xilligan xasaasiga ah ee doorashada loo diyaar garoobeyo.

Bayaanka mudaniyaasha ayaa sidoo kale waxaa ku jirey in madaxda heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga qaban qaabada doorashada laga codsaday in haweenka murashaxiinta ah laga dhimo lacagta diiwaan gelinta doorashada.

Kulanka ayaa imaanaya, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday hirgelinta doorashada baarlamaanka labada aqal.

Previous Post

Maamulka gobolka Banaadir oo casriyeynaya hanaanka maamul maaliyadedka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xulka kubadda Cagta Galmudug”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xulka kubadda Cagta Galmudug”SAWIRRO”

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xulka kubadda Cagta Galmudug”SAWIRRO”

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In